4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2016
Ilaa 65 milyan oo qof oo dunida iminka ku barakacsan


Jimco, Sitember 16, 2016 (HOL)-Warbixin uu soo saaray Baanka Adduunka ayaa lagu xusay in dadka wadamadooda dhibaatooyinku ka jiraan ay culeys kuyihiin dalalka hodanka ah.

Warbixinta ayaa sheegtay in culeys ay ku hayaan arimaha ijtimaaciga ah ee dalalka marti galiya. Warbixinta ayaa lasoo saaray shalay Khamiistii.

Ilaa 65 milyan oo qof ayaa dunida iminka  ku barakacsan dadkaas oo isugu jira qaxooti dalalkoodii ka cararay iyo kuwo gudaha dalalkooda qaxooti ku ah!

Dalalkaa ayaa waxaa ku jira Suuriya, Afghanistan, Soomaaliya iyo Koofur Suudaan. Dadka barakacsan hada waxay gaarayaan tiradii dadkii barakacsanaa intii uu jiray Dagaalkii 2aad ee Caalamka ama waa ku dhow yihiin.

Dadkaa ayaa horumarka wadamada ay tagaan rajadii laga qabay hoos u dhiga, waa sida warka loo dhigaye inkastoo fursado ay sidoo kale abuuraan in badan, xirfado cusub ay keenaan qaarna ay hodan yihiin ama qani amaba ladan yihiin lacgna ay la yimaadaan dalalka ay u haajiraan.

"Qulqulka dad aad u badan wuxuu kicinayaa ajnabi nacayb xataa gudaha dalalka dekhliga badan," warbixinta ayaana sidaa sheegtay.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kordhay qulqulka qaxootiga ka soo cararaya dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyo Afghanistan oo colaado ba'ani kajiraan gaar ahaan Suuriya iyo qaarada Afrika oo dhibaatooyin badan oo ijtimaaci ah ay ka jiraan.

QM ayaa shalay sheegtay in haatan ay Libya ku sugan yihiin dad tahriibeyaal ah oo tiradoodu sare u dhaaftay 2 boqol oo kun kuwaasoo doonaya inay badda inta ka gudbaan galaan Yurub!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]