4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 16, 2016
Dawlada Kenya oo iska fogeysay eedo loo soo jeediyay oo sheegaya inay qasab kuceliso qaxootiga


 

Jimco, Sitember 16, 2016 (HOL)-Dawlada Kenya ayaa iska fogeysay eedo loo soo jeediyay oo sheegaya inay qasab kuceliso qaxootiga Dhadhaab hadba qaar.

Eedahaa ayaa waxaa soo jeedisay shalay hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch (HRW). HRW ayaa warbixin ay shalay soo saartay eedahaa ugu soo jeedisay dawlada Kenya iyo weliba hayada qaxootiga ee UNHCR.

Kenya ayaa damacsan inay hadba qaar qaxootigaa Soomaaliya u celiso ilaa laga soo xiro xeryaha Dhadhaab bisha 11aad ee sanadkaan. Laakiin heshiis 2013 ay kala saxiixdeen dawladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba UNHCR ayaa dhigaya inaan si qoor qabad ah qaxootiga aan loo celine ay iskood u laabtaan hadii ay doonaan.

Qaxooti badan oo ay soo wareysatay sida warbixinta ay ku xustay shalay HRW ayaa sheegay in Soomaaliya ay tageen colaadna ay halkaa kula kulmeen deedna ay soo noqdeen!

HRW waxay sidoo kale sheegtay in UNHCR aysan xog sax ah siinayn qaxootiga taasoo kusaabsan halista ay kala kulmi karaan Soomaaliya markii ay u guryo noqdaan.

Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa sheegay in UNHCR ay darseeyso warbixinta HRW ka hor inta aysan ka jawaab celin.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku nool ku dhawaad 300,000 oo Soomaali u badan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]