4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
25 diyaaradood oo xamuul qaad ah siday oo maanta aaday Soomaaliya!

Khamiis, Sitember 15, 2016 (HOL)-25 dayuuradood oo xamuul qaad ah siday ayaa maanta aaday Soomaaliya kadib markii shalay Arbacadii la fasaxay in diyaaradaha qaadku yimaadaan garoonka Muqdisho ee Aden Adde iyo Soomaaliya oo dhan.

Af hayeen u hadlay Ururka Ganacsatada Jaadka ee Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita), Kimathi Munjuri ayaa sheegay in ganacsigoodu si saami ah uu kusoo laabtay kadib toban maalmood kudhawaad xayiraad heysatay.  Shalay oo qura waxaa Xamar ka dagay labo diyaaradood oo kuwa jaadka ah laakiin qaad badan ayaan lasoo gurin maadaama xayiraada un markaa mar kudhow la qaaday!

Hase ahaatee, Kimathi Munjuri ayaa xaqiijiyay in maanta ay Soomaaliya tageen 25kaa diyaaradood.

“25ka dayuuradood oo gebi ahaanba qaad saarnaa kana buuxay Soomaaliya ayay maanta Khamiista ah tageen. Rabitaanka loo qabo qaadka ayaa aad u sareeyay xayiraada darteed,” ayuu yiri.

Wuxuuse sheegay in intii xayiraadu jidhay ay ganacsatada qaadku khasaareen ugu yaraan 500 oo milyan oo shilinka Kenya ah.

Caadiyan markii xayiraadi aysan jirin ayaa in ka badan 15 diyaaradood ay qaad geeyaan Xamar oo kaliya maalin kasta!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]