4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Madaxweyne Museveni oo Ciidamada uga Sugan Somalia ku Amaanay Hawl-karnimo (SAWIRRO)
Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku ammaanay Ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan soo celinta nabadda Soomaaliya.

Yoweri Museveni, ayaa khudbad u jeediyay Ciidamadiisa, kaddib markii uu ka Qayb-galay shir-madaxeedkii 28-aad ee IGAD ee talaadadii todobaadkan Muqdisho lagu qabtay, ayaa u sheegay inay ilaaliyaan Hab-dhaqanka ku saleysan Afrikaannimada, kaasoo uu xusay inuu yahay mabda’a ugu muhiimsan ee ay ku dhisan yihiin ciidanka dalka Uganda.

“Waxaan idin-kaga Mahad-celinayaa nabadda aad ku soo dabbaasheen Soomaaliya iyo in aad tusaale u noqoteen waxay midnimadu qaban karto,” ayuu Museveni ku yiri khudbaddii uu ciidamadiisa u jeediyay.

Sidoo kale, Museveni ayaa booqday saldhigyada ciidamada Uganda ee Muqdisho ku yaalla, taasoo lagu sheegay inay ahayd mid uu ku dhiirri-gelinayay Cidamadiisa ku sugan Somalia oo dhawr jeer lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah Shcabka Soomaaliyeed.

Dalka Uganda ayaa ahaa waddankii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo Ciidammo u soo dira Somalia, si ay gacan uga geystaan xasilinta dalka sanadkii 2007-dii, taasoo loo bedelay mar dambe hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia AMISOM.

Ugu dambeyn, Ciidanka Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ciidamada Somalia ku sugan ee ku hawl-gala magaca Midowga Afrika, ayaa waxay Dagaallo Adag la galeen Xoogagga Al-shabaab, inkastoo saldhig ku yaalla Jannaale oo lagu weerar loogu geystay looga Dilay askartii ugu badnayd intii ay AMISOM ka tirsanaayeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya