4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanka Moqo-kori ee Gobolka Hiiraan


Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Wararka naga soo Gaaraya Deegaanka Moqo-kori ee Gobolka Hiiraan ayaa Shaagaya in Goor dhaweyd oo Maanta ah, ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka xoogagga Al-shabaab, kaddib markii subaxnimadii hore ee saakay ay isaga baxeen deegaankaas ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa.

Dad ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa HOL u sheegay in ay soo gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo isaga soo baxay deegaanka Moqo-kori, ma jirin wax dagaal ah oo dhaxmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo saacadihii hore ee maanta ku sugnaa deegaanka.

Ugu dambeyntii, Lama oga sababta rasiga sababta rasmiga ah ee ciidanka Itoobiya ay uga soo bexeen Deegaanka Moqokori, Waxaana muuqata in Tallaabadan qeyb ka ah xeeladaha militari ee ciidammada Itoobiya oo hadba deegaanka ay la wareegaan muddo dheer kaddib isaga baxa, taasoo keenta in sidoo kale shacabku ka barakacaan iyaga oo ka cabsi qaba wax yeello ka soo gaarta dagaalyahannada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya