4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Dufcadii 20-aad ee Jaamacada Muqdisho oo loosoo Gunaanaday Toddobaadka Dhaqanka (SAWIRRO)

Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu soo Gunaanadayay Todobaadka dhaqanka Jaamacadda Muqdisho, ayaa lagu qabtay Muqdisho. Maalmihii Todobaadkan uu socday ayay Ardaydu kusoo bandhigeen hal-abuurro kala duwan oo ay hiwaayaadkooda ku muujinayeen.

Waxaa ugu Horreyn ka Hadlay, Hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka Aadan Axmed Xuseen (Adan Xerow) oo sheegay in barnaamijkan uu yahay mid wacyi-gelin ah si ay ardayda Jaamacaddu u bartaan nidaamyadeeda kala duwan ee ardayda, iyagoo la barayo waxyaabaha ay ku wanaagsan yihiin.

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa uga Mahad-celiyay Dufcadda 20-aad ee Jaamacadda kusoo biirtay, isagoo ku boorriyay inay dadaallo dheeraad ah geliyaan Waxbarashada muddada ay jaamacada dhiganayaan.

“Waxaanu idiin ballan-qaadeynaa in Jaamacadda aad ugu iman doontaan cadaalad, aqlaaq iyo waxbarasho tayeeysan,” ayuu gudoomiyuhu hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay in Jaamacadda Muqdisho ay soo saartay dad tayo leh oo bulshada wax badan oo la taaban karo u qabtay.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Muqdisho waxay horseed u noqotay is badal qiimo leh, iyadoo Bulshada Soomaaliyeed u Abuurtay rajo ay ku soo Hir-teen intii ka maqnayd Somalia ayuu Guddoomiyuhu kusoo xiray hadalkiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya