4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
HRW: Dowladda Kenya uma marin Dib u Celinta Qoxootiga Hannaankii Caalamiga ahaa (Sawirro)
Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Hay’adda Xuquuqul Aaadanaha ee Human Rights Watch, ayaa Dowladda Kenya ku eedeysay inay ku Fashilintay in ay Waafijiso Hannaanka Caalamiga ah qorshaheeda dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee is-kood ugu noqonaya dalkooda Soomaaliya.

HRW, ayaa xustay in Qoxooti badan oo dib ugu laabtay Somalia lagu qasbay inay ka baxaan Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Kenya oo Muddo 20 Sano ka badan xeryaha Dhadhaab ku noolaa, kuwaasoo ah kuwa ugu weyn Dunida oo dhan.

Xukuumadaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa ugu kala saxiixday magaalada Nairobi sannado ka hor heshiis dhigayay in Qoxootiga Soomaaliya dib ugu laabanaya ay noqdaan kuwo iskood u go’aansaday dib u noqoshada oo aan la qasbin.

Sidoo kale, HRW, ayaa Xustay in Dowladda Kenya aanay si dhab ah u kala dooran-siinin dadka Qoxootiga ah inay laabanayaan iyo in kale. Iyadoo xustay in qoxootiga qaarkood ay sheegeen in lagu qasbay inay dalkooda ku laabtaan.

Warbixinta ay soo saartay HRW ayaa lagu xusay, in Hay’adda UNHCR aysan siinin Dadka laabanaya warbixin sax ah oo ka jirta halka ay ku socdaan isla markaana qoxootig qaarkood laga yaabo inay nolashooda khatar gasho. “Qoxootiga inaan lagu cadaadin inay dib ugu laabtaan meel Nolshadooda iyo xoriyaddooda ay Dhibaato ka soo gaarayso waa qayb ka mid ah baaqii Qoxootiga Adduunka ee Sannadkii 1951-kii,”  ayaa lagu yiri Warbixinta HRW.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha HRW, ayaa sheegtay in Qaar ka mid ah Qoxootigii ka tagay Xeryaha Dhadhaab - ay ka baqayeen laga saaro xeryahaas, isla markaana ay waayi doonaan lacag dhan 400 oo Doollar oo UNHCR ay siiso Qaxootigaas.

“Ma jiro si aan u dhahno qaabkan waa dib u laabasho iskood ah,” ayuu Bill Frelick oo HRW ka tirsan ku yiri warbixinta.

Dhanka kale, Maamulka Jubbaland - ayaa dhawaan Shaaciyay in uu joojiyay Qoxootiga dib ugu soo laabanaya dalkooda Somalia, Taasoo uu sabab uga dhigay in Hay’adda UNHCR ay ku guul-darreysatay inay caawiso Qoxootiga Soomaaliyeed ee soo laabanaya.

Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa ku noolaa dad ka badan 300,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed u badan illaa 1991-kii. Iyadoo Dowladda Kenya ay ku Tilmaantay Xeryahaas meel ay ku dhuuntaan Xoogagga Al-shabaab ee Kenya ka Geysanayay Weerarrada is-daba-joogga ah, ayna go’aansatay inay xirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya