4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Hay’adda Samafalka ee Maxamed Bin Raashid oo Hilib u Qaybisay Qoysas dan--yar ah [SAWIRRO]
Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Hay’ada Samafalka Maxamed bin Raashid ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa Deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, oo u badan Barakacayaasha ku Nool Degmooyinka gobolka Banaadir, dadka baahiyaha gaarka ah Qaba, iyo Dadka Indhoolayaasha ah ee ku jira Dugsiga Al -Basiir ee Muqdisho oo Wax lagu baro Ardayda indhoolayaasha ah.

Mu'asasadda kheyriga ee Maxamed bin Rashid ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa Qashay 170 Neef oo lo’ ah oo ay hilibkood ugu talo-gashay in loo qaybiyo Qoysaska dan-yarta ah iyo barakacaayasha.

Sidoo kale, Deeqdan ay qaybisay Mu'asasada Maxamed bin Rashid ee Imaaraadka Carabta, waxaa ka faa’iideystay dad aad u fara badan, kuwaasoo isugu jira Dumar iyo Caruur iyo dad da’ ah iyo Ardayda indhoolayaasha ah ee wax ka barta Dugsiga indhoolayaasha Al–Basiir ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah Qoysaskii ka faa’iideystan Hilibka udxiyada, ayaa uga mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka Imaaraadka Carabta, Gaar ahaan Hay’adda Mu'asasada Kheyriga ee Maxamed bin Rashid, deeqdaan ay soo gaarsiiyeen, iyagoo xusay inay kusoo beegantay Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen.

Hay'adaha Samafalka ee Imaaraadka Carabta oo kala ah; Mu'asasadda Kheyriga Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa Maalintii sadexaad kawada Muqdisho howlo hilib qaybin ku aaddan Munaasabadda Ciidda Carrafo.

Ugu dambeyn, Mu'asasadda Maxamed bin Rashid iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, ayaa Xoolaha ay Hibil ahaanta u Qaybiyeen Maalmaha Ciidul-Adxa waxay dhan yihiin 370 neef oo Lo’ ah, Waxaana ka Faa'iideystay ku dhawaad 4500 oo Qoys oo isugu jira barakacayaal, dadka saboolka ah iyo Qoxootiga Yemen ee ku nool Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Isu-taga Imaaraadka Carabtu waxay ka mid ah Dowladaha mar waliba Taageero iyo Kaalmo Bani'aadamnimo la Garab-taagan Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya