Madaxweynaha oo gaaray Jowhar furayna shirka lagu dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe [SAWIRRO]
Khamiis, September
15, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo, ayaa gaaray maanta Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo
furay Shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe oo
uu Jah-wareer soo food-saaray muddooyinkii dambe.
Shirka dhismaha maamulka
Gobolladan ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda
FS iyo Odayaasha Labada Gobol ee Maamulka loo Sameynaayo, inkastoo
duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay intooda badan ka soo horjeesteen shirkan.
Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda
XF Somalia, Guddoomiyaha Shabeellada Dhexe, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka
ayaa xafladda furitaanka shirkaan ka jeediyay hadallo.
Madaxweynaha Soomaaliya, oo
shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay Ahmiyadda uu leeyahay in la helo Maamul
ay ku Mideysan yihiin Gobolada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay in
loo baahan yahay in la isku tanaasulo, isla markaana la is-kaashado.
“Dowladda Federaalka Doorkeedu Waa fududeeye, sharciyeeye iyo in Goob-joog ka ahaato Dhismaha
maamulka labadan gobol, qofkii aan rayiga dadka kale Tixgelinna ogaada kiisana
lama qaadanayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan, Wuxuuna intaas ku daray in in
odayaasha dhaqanka labada gobol - looga baahan yahay inay isi saaraan mas’uuliyad
oo aysan jirin cid xaqeeda la duudsiin doono.
Sidoo kale, Madaxweynaha
Somalia ayaa xusay in wax kasta oo la Billaabayo ay Dhibaato badan leeyihiin, hase yeesheen loo baahan yahay
in la isku dulqaato, wuxuuna tusaale u soo qaatay dhibaatooyinkii laga soo maray dhismaha
maamullada hadda ka jira dalka.
“Talada idinka ayaa iska leh…
Reer Hiiraan iyo Reer Shabeellada Dhexe haddii aad tihiin, waqti badan ayaa
idin ka lumay, maamulkiinna dhista oo ka qayb-gala talada dalka,” ayuu khudbadiisa
mar kale ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweyne
Xasan Sheekh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in sida dadka qaar ay aamisan
yihiin in madaxweynuhu uu dan gaar ah ka leeyahay in la dhso maamulka labadan gobol,
isagoo hadalladaas ku tilmaamay kuwo aan raad iyo sal lahayn.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha
ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay mas’uul uga tahay dhismaha maamulkan Wasaaradda
Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gacan ka helaysa Urur-goboleedka IGAD oo hawshan
fududeeye ka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Bishii
August ee 2015-kii, ayaa Muqdisho lagu saxiixay hin-disaha maamulka wadajirka
ah loogu dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, balse caqabado badan ayaa ka
hor-yimid dhismihiisa. Iyadoo dib u furiddiisa maant ay ku timid markii madaxda
IGAD ay Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay si dhaqso ah ku soo dhisto maamulka
labadan gobol.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya