4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Gudiga Doorashooyinka Somaliland oo sharci-daro ku tilmaamay gudi Dalada SONSAF ay magacowday
/images/2016/Aug/2016820636072945711683753guddida%20doorashooyinka9999.jpgKhamiis, September 15, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Somaliland - ayaa ku tilmaamay sharci-daro Guddiga xalinta khilaafaadka bulshadda rayidka oo ay magacowday daladda SONSAF ee aan Dowliga ahayn.

Guddida doorashooyinka war-saxaafadeed ay soo saareen ayey ku sheegeen in aanay awood u lahayn inay magacowdo guddi xalin khilaaf ee arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay masuuliyadeeda leedahay arrimaha doorashooyinka guddida doorashooyinka qaranka.

War-saxaafadeed ay guddida doorashooyinku ku diidan yihiin guddidaasi magacowday Daladda SONSAF ayaa u qornaa sidan “Gudida doorashooyinka qaranka waxa uu halkan ku cadaynayaa in gudida loogu magac daray gudida xalinta khilafaadka doorashooyinka ee ay ku dhawaaqeen dallada ururada aan dawliga ahayn Ee loo soo gaabiyo magacood SONSAF,sida ku soo baxday warbaahinta kala duwan tariikhdii markii ay ahayd 08/09/2016 aanay ahay mid ku dhisan sharci.

Komiishanka Doorashooyinku Qaranku waxa uu si cad u qayaxayaa inaanay Sonsof lahayn awood sharciyadeed(Maandhayt)oo ay ku abuuri karto gudDi xalisa khilaafkaad doorashooyinka,cid kaliya ee u igman qarankana uga masuul in ay xaliyaan khilaafkaad iyo cabashooyinka doorashooyinku waa gudida doorashoyinka qaranka sida ku cad qodob ka 14 farqadiisa 7aad ee xeerka(xeerLR.20-2001.

Muranada iyo cabashooyinka la xidhiidha doorashadu waxa ay leeyihiin hab raac iyo jaran jaro dhamaystiran oo loo raaco xalintooda kana bilaabmata Goobta codbixinta loona gudbiyo xafiisyada heer degmo,heer gobol iyo heer qaran ee gudida doorashooyinka qaranka,waxaanu habracaasi ku dhamadaa maxkamada sare ee dastuuriga ah ee jamhuuriyada Somaliland.

Hab-racaasi lagu xaliyo wixii muran ah ee doorashooyinka ka soo baxa waxa si cad u faah-faahinaya xeerarka doorashooyinka sida xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka qodobadiisa 14 farqadiisa 7aad,49,53 farqadiisa(4), 57aad (C),59aad (3),62aad (1,2,3,),64aad (A), 65aad(1,2) iyo si waafaqsan qodobada 46aad,49aad(4),50aad(3),53aad (j), 57aad(f),49aad(c), 61aad(1,2)ee xeerka doorashada golaha waiilada (xeer Lr 20-2/2015)”.

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii daladda SONSAF ay bishan sideeddii soo saartay guddi ay ugu magacdartay guddida xalinta khilaafaadka Doorashooyinka, kuwaas oo ay u jireen ururadda Bulshadda rayidka ah oo ay ugu tallogashay inay xaliyaan khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland