4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Bannaan-bax ka dhan ah Ganacsatada wareejiya alaabaha ee Itoobiyaanka ah oo ka dhacay Garoowe
/images/2016/Sept/2016915636095224130877723sawr.jpgKhamiis, September 15, 2016 (HOL) — Bannaan-bax weyn oo looga hor-jeedo ganacsatada Wareejiyayaa Alaabaha bedel-bedel-ka loo yaqaanno ee u dhahay Itoobiya ayaa Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ka dhacay maanta, kaddib markii ay Shacabku sheegeen inay aad ugu so badanayaan deegaannada Puntland.

Mudaaharaadayaashaan, ayaa isugu soo Xoomay Barxadda Garoowe, iyagoo Wata Hal-ku-dhigyo ay ku diidayaan Wareejiyaasha Dadweynuhu u yaqaanan Bedel bedel-ka, kuwaasoo Alaabaha ka samaysan Caagagga kaga badasha Dumarka Xaafadaha Dharka la nacay.

Dibdbaxayaashan ayaa sheegay in Itooiyaanka ah ay halis ku yihiin Deegaannada Puntland, waxaana shaki badan ay geliyeen inay yihiin Ciidamo u shaqeeyay xukuumadda Itoobiya oo qaab kale ku jooga Soomaaliya.

“Waxay helis ku yihiin wareejiyaashan u dhashay Itoobiya Diinteena iyo Dhaqanka Suuban ee Soomaaliya, wax faa’iido ahna dalka kuma soo kordhiyaan, waxaan uga shakisan-nahay inay yihiin jaajuusiin Itoobiya noo-soo dirsatay, Waxaa loo baahan yahay inaan indhaha laga qarsan inta aysan dalka qabsan,” ayuu ayay Warbaahinta u sheegeen Qaar ka mid ah Dibad-baxayaasha.

Dhanka kale, Dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayay mudaharaadayaashu waxay ka codsadeen in si deg-deg ah wax looga qabto Qul-qulka Itoobiyaanaka iyo Dhaqammada qallafsan ee ay bulshada kusoo kordhiyeen.

Ugu dambeyn, Bannaan-baxyaasha ayaa codsaday in la dhaqan-galiyo amar hadda ka hor kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland oo lagu joojinayay ganacsatadan alaabooyinka wareejiya ee u dhashay Itoobiya, kaasoo aan weli dhaqan-gellin.

Abaadir C/qaadir Cilmi Hiiraan online
EMAIL: [email protected]
Garoowe,Puntland_Soomaaliya