4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo shir jaraaid ku qabtay Safaarada Soomaaliya ee Nairobi

Maxamed Cabdi  Afey oo ka warbixiyay guulihii shirkii IGAD ee Salaasadii lagu qabtay Muqdisho


Khamiis, Sitember 15, 2016 (HOL)-Ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa asaga iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Mudane Jamaal Maxamed Xassan waxay shir jaraaid ku wada qabteen Safaarada Soomaaliya ee Nairobi maanta galinkii hore.

Shirkaa jaraaid oo ay ka soo qeyb galeen bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee Nairobi ku sugan ee qeybaha kala duwan ee warbaahinta ayaa abbaare 11 subaxnimo lagu qabtay safaarada Soomaaliya ee Nairobi.  Shirkaa jaraaid ayaa labada masuul waxay uga warbixiyeen sida guusha leh ee uu qabsoomay shir-madaxeedkii 28aad ee IGAD ee Salaasadii aanu soo dhaafnay ka dhacay Muqdisho.

Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in ay guul weyn oo Soomaaliya usoo hoyatay ay ahayd arinta qabashada shir-madaxeedkaa ayadoo Muqdisho haatan ay la mid tahay caasimadaha kale ee caalamka oo shirar caalami ah iyo kuwo heer gobol ah lagu qabto.

Wuxuu sheegay in guulna uu kusoo dhammaaday ammaanka caasimada Muqdishona uu wanaagsan yahay iminka isla markaana falal amni darro un ay ka dhacaan mar mar dhif ah taasina ay ula siman tahay caasimadaha daafaha caalmka oo idil oo ayaga oo dhan ay ka dhacaan.

Wuxuu ku ammaanay dadka reer Muqdisho iyo reer Soomaaliya oo la'aantood aysan arintaasi suurta gal noqoteen gacana ka geystay shirkaa guul in uu ku dhaco.

Wuxuu weliba ku nuuxnuuxsaday in si ka duwan shirar badan oo garoonka Muqdisho iyo Xalane lagu qaban jiray kan lagu qabtay caasimada dhexdeeda gaar ahaan hoteelka Peace Hotel taasoo uu sheegay inay tusaale u tahay in nabadi ka jirto daafaha Muqdisho oo dhan.

Labada masuul waxay si waafi ah oo lagu qancay uga jawaabeen suaalo laga weydiiyay shir-madaxeedkaa sida guusha leh caasimada Muqdisho u marti galisay Salaasadii aanu soo dhaafnay.

Danjire Maxamed Cabdi Afey wuxuu kaloo sheegay in qarash badan lagu bixin doono sidii kaabeyaasha loo sii hagaajin lahaa caasimda Muqdisho si ay bilicdeedu usii hagaagto gaar ahaan jidadka iyo korontada iwm si ay usoo jiidato shirar badan oo caalami ah iyo maal gashi inta haatan jira ka badan.
 
Wuxuu Danjire Maxamed Cabdi Afey sheegay in kasakow shirkii midowga Afrika ee Muqdisho lagu qabtay hada ka hor kan IGADna haatan lagu qabtay mustaqbalkana ay caasimada Muqdisho marti galin doonto shirar caalami ah oo noocaa ah oo badan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]