4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM oo ka baxay Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

/images/gallery/2014817635438620584135249Ethiopia_troops_AMISOM_Baidoa.jpg
Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaa isaga bexeen ciidammada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

Shacabka ku sugan Deegaanka Moqorkori ayaa HOL u sheegay in ay arkayeen gadiidka gaashaaman ee Ciidanka Itoobiya oo kasii baxaya halkaa, una jiheystay dhinac Degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.

Arinta ayaa baqdin weyn ku abuurtay dadka deegaanka, inkastoo wali ay halkaa ku sugan yihiin ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa deegaanka oo lagu magacaabo [Macwisley] oo inta badan deegaannada Miyiga ah kula dirira Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan isaga baxay deegaanka Bud-bud ee gobolka Galgaduud oo u aheyd saldhig weyn.

Ugu dambeyntii, Lama oga ujeedka ay uga baxeen, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay Ciidamada Itoobiya faarujiyeen deegaano ka tirsan Galgaduud iyo Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya