4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Maxkamad amartay in saddex qof oo argagaxisonimo lagu tuhmay baaritaan caafimaad lagu sameeyo

Khamiis, Sitember 15, 2016 (HOL)-Saddex dumar ah oo Soomaali ah ayaa maxkamad kutaal Mombasa oo ah caasimada labaad ee Kenya waxaa ay amartay in caafimaadkooda dhimirka iyo maqalka la baaro kadib markii caafimaadkooda laga shakiyay.

3daa dumarka ah oo Mombasa laga soo qabtay ayaa maxkamadu ku wareertay inay fahamto maadaama labadood maqalku ku yaryahay ama la tuhmay in ay qabaan waxa loo yaqaan dhago jig. Saddexdaa ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay gurigooda ku hayeen argagixiso, waa gabdho kale oo saddex ahaa balse ka da' yaraa saddexdaan oo boolisku Axadii lasoo dhaafay toogasho kudileen.

Saddexda la dilay ayaa lagu eedeeyay in saldhig boolis ay weerareen askarina ay mindi ku dhufteena halkaana ay ku dhaawaceen ka hor intii aan la dilin ayaga. 

Baaritaano la sameeyay ayaa durba lagu ogaaday in saddexduba yihiin qaxooti ka yimid Soomaaliya maadaama aqoonsiyo qaxootinimo ay heystaan-waa kuwa hada gacanta booliska kujirae.

Saddexda gabdhood ee haatan la hayo ama haweenka ah ayaa waxaa la kala yiraahdaa Naciima Maxamed, Saciida Cali Xaaji iyo Shukri Cali Xaaji ayadoo sida magacyada ka muuqata labadood laga yaabo inay walaalo yihiin. 

Dhan kale, maxkamad kutaal Mandheera, gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari ayaa u ogolaatay booliska falalka argagaxisada la dagaalama inay hayaan nin looga shakiyay argagaxisonimo 14 maalmood ka hor inta aanan maxkamad lasoo taagin!

Ninkaa ayaa waxaa lagu magacaabaa Simon Karagu waxaana 11kii bishaan laga soo qabtay Soomaaliya ka hor intii aan booliska loo gacan galin!

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi, Kenya
[email protected]