4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
AVV. CUMAR DHAGEY: Waxaan halkan u nimid inaan idiin sharxo Doorashooyinka 2016-ka (SAWIRRO)

Khamiis, September 15, 2016 (HOL) — Waxaa shalay oo ay bishu ahayd 14-ka September, 2016-ka, ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya kulan xog-is-wareysi ah oo dhex-maray Jaaliyada Soomaaliyeed Nairobi ku nool iyo Guddiga Federaalka ee Hi-rgelinta Doorashooyinka Dadban ee Somalia (GFHDD).

Guddoomiyaha guddigaan, Avv. Cumar Maxamed C/lle (Cumar Dhageey), ayaa u sheegay Jaaliyaddda Reer Nairobi, in Qorshaha socdaalka Guddiga ay la xiriirto inay Jaaliyadda ku nool Nairobi la yeeshaan xog-wareysi, si Doorashooyinka dadban ay Dadka Reer Nairobi u fahmaan.

Sidoo kale, Garyaqaan Cumar Dhagey, ayaa sharraxay Hannaanka Geeddi-socodka Doorashooyinka soomaaliya ee sannadkan 2016-ka ka dhacaya Somalia, wuxuuna sheegay inay doorashadda sannadkan ka gedisan tahay doorashadii dhacday 2012 oo madax-dhaqameedyada keliya ay soo xuleen xildhibaannadii baarlamaanka.

“Madax-dhaqameedyada iyagoo la tashanayaa Nabadoonada jufooyinka kursiga soo xulaya, 51-ergo ee ka socda jufooyinka kursigu ka dhexeeyo ayaa soo xulaya xildhibaanka ka mid noqonaya 275-ka mudane ee baarlamaanka soo socda,” ayuu yiri Avv, Cumar Dhagey.

Dhanka kale, Guddoomiyaha ayaa u sheegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool, waxyaabaha illaa hadda u qabsoomay GFHDD, halka ay marayso shaqada doorashada oo ah xulista ergada iyo shaqada u dhiman oo ah in ergada la xareeyo oday-dhaqameedyada si loo diyaariyo cod-bixinta ama doorashada xildhibaannada.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashada Dadban ee Soomaaliya oo ay wehliyeen xubo ka tirsan Guddiga, ayaa isku Taxluujiyay in ay ka Jawaabaan Su'aalo ay oo ay xubihii jaaliyadda qaarkood weydiiyeen intii kulanku socday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya