4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2016
Shir Guddiga Doorashada Soomaaliya uu ku Qabtay Nairobi

Khamiis, Sitember 15, 2016 (HOL)-Xalay ayaa guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya uu shir ku qabtay Nairobi gaar ahaan hoteelka Intercontinental.

Shirkaa ayaa waxaa uu ahaa fagaare furan oo kadib markii ay kusoo bandhigeen waxqabadkooda iyo hannaanka la filaayo in doorashadu u dhacdo ayaa dadku weydiinayeen suaalo xubnaha guddiga. Cumar Maxamuud Cabdulle, Cumar Dhagey, guddoomiyaha guddiga ayaa soo bandhigay hannaanka doorashadu u dhici doonto.

Waxaa sidoo kale uu ka hadlay qeybaha kala duwan ee guddiga iyo waxa ay qaban doonaan.

Waxaa sidoo kale uu falanqeeyay jadwalka iyo wixii cabashooyin ah sida loo xallin doono, waa hadii ay dhacaan wax arinkaa kusaabsan.

Shirkaa ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin badan oo caan ka ah bulshada dhexdeeda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka iyo dibada intaba.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]