4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2016
UGAAS Xasan Ugaas Khaliif oo lagu daray Liiska 135-ta Oday ee soo Xulaya Xildhibaannada cusub
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo bishii lasoo dhaafay loo caleema-saaray Ugaaska Beesha Xawaadle, ayaa lagu daray Liiska 135-ta oday-dhaqameed, kuwaasoo soo xulaya Xildhibaannada Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Hoggaamiyeyaashii ka Qayb-galay Shirkii Madasha Wada-tashiga Doorashooyinka 2016-ka ka dhacaya Somalia, ayaa isku raacay in Ugaas Xasan lagu daro liiska odayaasha dhaqanka, waxaana Ugaasku kasoo horjeestay shirka lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, Ugaaska ayaa ku eedeeyay IGAD iyo Dowladda Federaalka Somalia inay xagal-daacin ku hayaan Gobolka Hiiraan, iyadoo Siyaasiyiin fara badan ay horay ugu eedeeyeen madaxweynaha Somalia sababta looga saaray Ugaas Xasan liiska 135-ta oday-dhaqameed ee xildhibaannada soo xulaya.

“Madasha Wada-tashiga Qaran waxay isku raacday in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu yahay Duubka Beesha Xawaadle ugu jira Liiska 135-ta oday-dhaqmeed,Maadaama Beeshiisa ay si rasmi ah u caleema-saaratay, waxaana lagu bedelay Cumar Ugaas,” ayaa lagu yiri bayaankii kasoo baxay Gunaanadkii Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh - ayaa sheegay in dhawaan ka dhawaajiyay in uu aqoosan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isagoo su’aal ahayd sababta loogu dari waayay 135-ta oday uga jawaabay in dib u sixida liiska oday-dhaqmeedyada ay u arkeen inay dib u dhac ku keeni karto Doorashada, Balse wuxuu qiray in ay jiraan Khaladaadyo ku jira Liiska odayaasha-dhaqanka.

Ugu dambeyn, Go’aanka Madasha Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay ku gaareen in Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble lagu daro Liiska 135-ta oday-dhaqmeed, ayaan la ogeyn in Ugaasku aqbali doono iyo in kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya