4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
SAWIRRO: Dufcaddii 8-aad oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Nugaal oo Xaflad loogu qabtay Laascaanood
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Munaasabad ballaadhan ay ku Qalin-jabiyeen arday Dhammeysteen  6 Kulliyadood oo ka mid ah Jaamacadda Nugaal, ayaa  maanta lagu qabtay xarunta Jaamacaddaasi ee magaaladda Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Xafladda Qalin-jabinta ahayd, ayaa waxaa ka soo qayb qaatay gudoomiyaasha Jamacaddaha Burco, Kids Uganda Does, jaamacada IUIU, waxgaradka gobolka , Masuu'liinta maamulka gobolka, Culumo, Waaliddiin, Madax-dhaqameed, Mas'uuliyiinta Shirkadaha iyo Dhamaan qaybaha kala duwan ee  bulshada.

Prof. C/risaaq Maxamed Aadan [Lafoole], ayaa ugu horayn ka hadlay madasha oo ay 148 arday ku qalin jabinaysay isgoo aad ugu Mahad-celiyay kasoo Qayb-galayaasha, Wuxuuna ka warramay Marxaladihii ay soo martay Jaamacaddu iyo Horumarka ay Gobolka Sool ka hir-gelisay.

Sidoo kale, Lafoole ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin tirada isa soo taraysa ee ka qalin jabisa jaamacada Nugaal isgoo sheegay in dufcadan ay tahay tii sideedaad ee ka qalin jabisa , waxa kaloo uu xusay in maamulka jaamacadu ay xidhiidh fiican la leeyihiin meel kasta oo ay aqoon tayo leh ku og-yihiin Dal iyo Dibadba, madaama buu yidhi aysan Aqoontu lahayn Qabyaalad.

Hadalkan, ayaa waxaa qaatay marti sharaftii ka soo qayb qaadatay Xafladdan sida wayn loo soo Agaasimay, iyagoo u Hambalyeeyay Ardayda maanta Qalin-jabisay kulana dardaarmay masuu'liinta Jamacadda Nugaal in ay sii xoojiyaan waxqabdka tayda leh ee ay u hayaan bulshada.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale - oo soo Gaba-gabeeyay hadalka ayaa hambalyo u diray Ardaydii Maanta Qalin-jabisay, isagoo Dar-daaran u jeediyay Ardayda iyo Maamulka Jaamacadda, wuxuuna xusay in xafladdan ay tahay xafladdii Saddexaad ee uu ka Qayb-galo oo Jaamacddu qabato.

Ugu dambeyntii, Waxaa la Gudoonsiiyay Ardaydii Qalin-jabisay Shahaadooyinka, waxaana xusid mudan in shirkada Dahabshiil lacag dhan 10,000 ay gudoonsiisay gaamacadda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.
E-mail: [email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool