4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u soo kordhisay Macaamiisheeda Adeeg Cusub oo Faa’iido leh
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, ayaa Adeeg Cusub oo casri ah soo kordhisay, kaasoo oo loogu magac-daray DHAMBAAL, Wuxuuna u Suuro-gelinaya Macaamiisha Shirkadda inay isku diraan farriimo maqal ah.

Adeeggan oo ah mid Caalamka oo dhan laga isticmaalo, ayay Shirkadda Hormuud Telecom ugu talo-gashay inay ka faa’iideystaan Dhammaan Macaamiisheeda.

FAA’IIDOOYINKA ADEEGGA DHAMBAAL;

Adeegan ayaa waxaa isticmaali kara Macmiil kasta oo haysta SIM Card-ka Hormuud waxa uu farriin Cod ah udiri karaa Dhamaan Asxaabtiisa kale ee isticmaasha Hormuud SIM Card.

Adeeggan Casriga ah ee DHAMBAAL ayaa waxaa ka faa’iideysan kara dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana sidoo kale isticmaali kara Dadka Aragga la’, Waayeelka, dadka ay ku adagtahay in ay wax qoraan & Dadka raba in ay isu diraan farriin codeed.

HABKA ISTICMAALKA ADEEGGAN DHAMBAAL;

Sidoo kale, Adeeggaan Furashadiisa 1-aad waa bilaash, Dhammaan macaamiishuna waxay isticmaali karaan iyaga oo aan marin isdiiwaan gelin.

QAABKA isticmaalka - ayaa ah markii aad rabto in aad farriin codeed gaarsiiso saaxiibkaa waxaad garaaceysaa 133 Adigoo raacinaya Lambarka aad u direyso Farriinta, Tusaale ahan: 13361XXXXX. Sidoo kale farriimaha laguu soo diray waxaad si fudud uga dhegeysanaysaa adigoo wacaya lambarka 134.

Ugu dambeyntii, Shirkadda Hormuud Telecom oo ah Isgaarsiinta ugu ballaaran Dalka ayaa mar walba Waxay ku Dadaashaa in ay soo kordhiso Adeegyo Casri ah, Waxayna Xilli hore hirgelisay adeegyo badan oo ay ka mid yihiin: Adeegga 4G MiFi internet, ADSL, WADSL, EVC Plus, Dalmar International Roaming & adeegyo kale oo dheeraad ah sida: Ilawadaag, Nasiye, Aqoon-maal iyo Voice Mail.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya