Akhriso: War-Murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madasha Doorashooyinka ee lagu Qabtay Muqdisho
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) —
Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay Muqdisho 06 - 14 Seteember 2016.
Kulankaan waxaa Shir-guddoominayay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud,
waxaana goobjoog ka ahaa; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamad Sheekh Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
iyo dhamaan madaxda maamul-goboleedyada Dalka ka dhisan.
Haddaba Akhriso War-mutiyeedkii
laga soo saaray Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka sannadkan
ka dhacaya Soomaaliya oo ka kooban 14-qodob.
1.) Kulanka Furitaanka:
1.1.) Madaxweynaha: Ayaa soo
dhoweeyey dhammaan ka qaybgalayaasha si gaar ahna uga mahadceliyey Beesha
caalamka. Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in muddada la haysyto ay aad u
kooban tahay loona baahan yahay in si wadajir ah loogu guntado dar-dar-gelinta
doorashooyinka waqtiga oo aad u kooban awgeed. wuxuu si gaar ahayd ula hadlay
Beesha Caalamka inay ilaaliyaan ballanqaadkii taakulaynta fulinta Doorashooyinka dadban ee 2016.
1.2.) Ergayga Gaarka ah ee
Qaruumaha Middobay; Mr. Michael Keating: oo hadal dheer ka jeediyey furitaanka
madasha oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah deeqbixiyeyaasha beesha
caalamka. Arrimaha uu taabtay waxaa ka mid ahaa Dhamaystirka Dhismaha
maamul-Goboleedka ee Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, Geeddisocodka Dib-u-eegista
Dastuurka, Arrimaha Doorashooyinka Dadban iyo arrimaha amniga. Wuxuuna ugu
dambayntii mar
kale Madasha u xaqiijiyay in
beesha caalamku ay diyaar ula tahay taageero buuxda kuna dadaali doonaan in wax
walba waqtigeeda lagu bixiyo.
1.3.) Madasha Hoggaanka
Qaran waxay guddiyada GFHDD iyo GDGHDD ku bogaadisay horumarka laga gaaray u
diyaar-garowga loogu jiro geedisocodka doorasho ee 2016, oo ay ka mid yihiin
kulammada u billowday odayaal dhaqameedka oo looga arrinsanayo diyaarinta
ergooyinka doorashada dadban ee u codayn doonna kuraasta 275-ta ee Golaha
Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
2.) Daahfurnaanta
geedi-socodka doorashada
2.1.) Madashu waxay ku celisay ballan-qaadkeedii ahaa in Geeddi-socodka doorashooyinka uu noqdo mid
daahfuran, laguna kalsoonaan karo. Si taas loo helona, Madaxda MHQ waxay hoosta
ka xariiqeen in ay jiri doonin isbedel lagu sameeyo mabaadii’da asaasiga ah iyo
hanaanka geedisocodka doorashada. Madaxda Madashu waxay carrabka ku adkeeyeen
muhiimadda ay leedahay wacyi-gelinta dadweynaha iyo war-gelintooda, waxayna ugu
baaqeen GFHDD inay si dhakhso leh u qaadaan tallaabooyinka muhiimka ah ee ku
aaddan hawshan.
2.2). Xubin kasta oo ka mid
ah MHQ wuxuu saxiixay xeerka anshaxa loo dejiyay ilaalinta daah-furnaanta,
hufnaanta & habsami u socodka howlaha doorashooyinka dadban. Madashu waxay ku
boorrisay dhammaan musharaxiinta u tartamaysa Kuraasta Baarlamaanka iyo
Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka inay saxiixaan
xeer-anshaxeedkan. GFHDD waxaa loo xilsaaray in uu xaqiijiyo in musharrax kasta
oo u tartamaya Aqallada Baarlamanka in arjigiisa musharraxnimada ku lifaaqan
yahay xeer-anshaxeedkan oo saxiixan.
2.3.) Madashu waxay mar kale
ku celisay ballanqaadkeedii ahaa in xubno iyo hay’ado Soomaaliyeed iyo kuwo
caalami ahba awood loo siiyo inay goobjoog ka noqdaan una kuurgalaan
geeddisocodka doorashada. Guddiga GFHDD ayaa loo xilsaaray inuu degdeg uga
hawlgalo dhammaystiridda habraacyada iyo xeer nidaamiyaha khuseeya arrinkaas,
marti-qaadna loo fidiyo xubnaha iyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga
ah, loona dhamaystiro arrimaha maamuleed ee la xiriira goobjoogenimadooda.
3.) Miisaniyaadda Hirgelinta
Doorashooyinka Dadban ee 2016
3.1.) Madaxda Kulankoodi 6da
Seteembar 2016 waxay welwel ka muujiyeen maalgelinta miisaaniyadda lagu
fulinaayo doorashooyinka dadban ee Golayaasha Sharcidejinta Qaranka, dareenkaas
oo keenay (b) in miisaaniyadda qaranka ee 2016 oo aan ku jirin Madax-xige loo
qoondeeyey fulinta Doorashooyinka, iyo (t) ayadoo si cad ayna u muuqan sida loo
heli doono qoondaha taakulaynta dhaqaale laga filanayo deeqbixiyeyaasha beesha
caalamka. Saa daraadeed Madashu waxay guddonsatay:
3.2.) Inay muhiim tahay in
doorashooyinka lagu fuliyo waqtiga loo qorsheeyey. Saa awgeed Madaxda
Madashu waxaa ka go’an in mar kale ay u xaqiijiso dadweynaha Soomaaliya in: (b)
in doorashooyinka lagu fulin doono muddada u qorsheysan Guddiga Doorashooyinka
Dadban ee heer Federaal uu dadweynaha usoo bandhigay; iyo (t) in hirgelinta
doorashooyinku tahay mas’uuliyad wadareed oo muwaaddin kastaba waajib ku ah
inuu si habsami ah uga hawlgalo.
3.3.) Inkasta oo ay Madaxda
Madashu ku rajo weyn yihiin in Beesha Caalamku sida ay u balanqaadeen ku fulin
doonaan kaalmada dhaqaale ee lagu maamuli doono doorashooyinka, hadana xubnaha
Madashu waxay isla meeldhigeen in Dawladda Dhexe ee Federaalka iyo Dawlad
Goboleedyada ee Soomaaliya, hadba intii suurtogal ah ay ayaga Soomaali ahaan
isugu tashadaan maalgelinta miisaaniyadda lagu fulinaayo doorashooyinka dadban;
3.4.) Madashu waxay soo
dhoweysay dib-u-eegista ay xukuumada federaalka ku samaysay miisaaniyadda
2016, kuna dartay madax-xige u gaar ah oo laga bixiyo kharajka lagu maamulayo
Doorashooyinka dadban ee 2016. Si kabka miisaaniyadda doorashadu u dhammaystiranto,
Madashu waxay R/Wasaaraha u xilsaartay in uu Beesha Caalamka ku dabagalo soo
siideynta dhaqaalaha ay horey u ballanqaadeen in lagu fuliyo doorashooyinka.
4.) Arrimaha la xiriira
maaraynta doorashooyinka iyo oday-dhaqameedka
4.1.) Madashu waxay mar kale
caddeyneysaa in Odayaal dhaqameedka 135 ee 2012 ay yihiin saldhigga liiska
Odayaal-Dhaqameedka ka hawlgalaya arrimaha doorashooyinka dadban ee 2016. Waxaa
sidoo kale liiska asalka ah lagu daray duubkii lagu soo beddelo duub
geeriyooday. Kulanka Madashu ka dib markii uu qaddariyey nuxurka soo jeedimaha
Guddiga GFHDD ee ku saabsan arrimaha odayaal dhaqameedka iyo maaraynta
doorashada dadban waxay gudoomisay:
4.2.) In Odey-Dhaqameed ka
mid ah duubabka 135-ta oo Kuraasta Beeshiisu kala taallo degaandoorasho kala
duwan, wuxuu wax ka dhisaya kuraasta taalla degaanka uu deggan yahay oo keliya.
Kuraasta kale ee la dhigay degaan-doorasho ka baxsan degaankiisa, waxaa wakiil
uga noqonaya nabaddoonka ama Nabaddoonada jifada kuraasta leh, oo wax kasoo
dhisay maamul-Goboleedyada jira iyo kuwa hadda dhismaya, ayadoo GDGHDD iyo
maamul goboleedyadana ay xaqiijinayaan.
4.3.) Madashu waxay
ansixisay in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble yahay duubka Beesha
Xawaadle ugu jira liiska asalka ah ee Odayaasha Dhaqanka ee 135-ta, maadaama ay
beeshiisu si rasmi ah u caleema saartay, waxaana lagu beddelay Cumar Ugaas
Muumin.
4.4.) Oday-dhaqameedkii tagi waaya Xarumaha Degaan-Doorashooyinka ay ka socdaan
hawlaha doorashooyinka kuraasta beeshiisa, ama wakiil u sameeysan waaya, ama
soo gudbin waaya Ergada Doorashada xilligii loo qabtay, waxaa arrinta la
wareegaya Guddiga GDGHDD iyo Maamulka Dawlad-Goboleedka kursigu yaallo iyagoo
kulminaya odayaasha beesha kursiga iska leh, si ay u soo xushaan 5 Nabadoon oo
midkood horjooge yahay, si ay beeshaas ergada ugu soo xulaan;
4.5.) Beelaha kuraas ku leh
Baarlamaanka Federaalka aan Oday ku laheyn Odey dhaqameedyada 135-ta oo ay 2012
kuraastoodu u saxiixeen odayaal dhaqameed beelo kale ah, kursigaas ergooyinkisa
waxaa qoraaya odaygi kursigaas hore usoo saxiixay 2012, ee ka mid ah 135-tii,
asagoo wada tashi buuxa la samaynaya odayaasha beesha kursiga iska leh,
4.6.) Kuraasta Beelaha
Ruutis ku leeyihiin Golayaasha Baarlamaanka waxaa usoo saxiixaya
Odey-dhaqameedka Reer Ruutis ugu jira 135-ta asagoo si buuxda ula tashanaya
odeyaal-dhaqameedka beelaha kale Ruutiska oo aan duub ugu jirin 135-ta odey;
4.7.) Labada kursi ee ku
qoran beesha Mushuunguli ee yaala degaan doorashada Jubbaland oo mid ka mid ah
cabasho ka jirtay - iyadoo ay horay u Haysan jireen Beesha Eylo Jafaay, waxay
madashu go’aamisay in kursigaas xalkiisa ay go’aan rasmi ah kawada gaaraan labada
Madaxweyne ee Jubbaland iyo Konfur-galbeed iyagoo la kaashanaya odayaal
dhaaameedka ay khuseyso.
5.) Xaqiijinta Qoondada
Haweenka
5.1.) Si loo xaqiijiyo
qoondada kuraasta haweenku ku yeelanayaan golayaasha baarlamanka Federaalka
Madashu waxay go’aamiysay in:
5.2.) Beeshii Golaha
Shacabka ku leh Saddax (3) Kursi Waa in uu midkood ahaado Kursi haweenka
reerkaas keliya ku tartamaan;
5.3.) Sidoo kale, Beelaha
kale oo bah ahaan isu xiga waxaa kuraastooda la isugu celcelinaya sida ay isu
xigaan oo ay isu leeyihiin, ka dibna Saddaxdii kursiba waxaa laga doonaya in
laga soo saaro hal kursi oo ay haweenka keliya ku tartamaan;
5.4). Beelihii diida soo bandhigidda Kursiga Haweenka, kuraasta Beelahaasi waa la laalaya illaa iyo inta Guddiga
GDHDD iyo Maamul-Goboleedka ay go’aanno kama dambays ah ka gaarayaan kursigaas.
5.5.) Qoondada aqalka sare
ee haweenka, Madashu waxay isku raacday in dowlad goboleed kasta ay xaqiijiso
30% kuraasta aqalka sare ay Gabdho kaliya u tartamaan.
6.) Guddiga Xallinta
Khilaafaadka Dooroshooyinka Dadban (GXKHDD)
6.1.) Madashu intii kulankeedu socday - 6-14 Seteembar 2016 waxay ansixisay waajibaadka iyo awoodaha guddiga xallinta khilaafaadka, waxaana isla markaas la dhisay lana ansixiyey
xubnaha Guddiga oo ka kooban shan iyo labaatan (25) xubnood.
6.2.) Madasha waxay Beesha
Caalamka ugu baaqaysa in ay Guddiga Xallinta Khilaafaadka ku biiriso khubaro la
taliya Guddigan.
6.3.) Madasha waxay kaloo
isku raacday in guddiga oo kaashanaayo khubarada caalamiga, in uu sameysto Xeer-nidaamiye Qeexaya habraaca Dacwa-qaadista iyo Muddooyinka lagu soo
afjaraayo cabashooyinka.
6.4.) Guddiga waa in uu
fadhigiisa ugu horreya qabsooma muddo usbuuc gudiheed, ka bilaabata taariikhda
magacyada xubnaha Guddiga lasoo bandhigo. Xubintii cudurdaarata oo waqtigaas ku
iman weysa Madasha MHQ ayaa beddelidoonta.
7.) Arrimaha Hiiraan iyo
Shabeelaha Dhexe:
7.1.) Madashu waxay mar kale
ugu baaqeysaa muwaaddiniinta deggan Gobollada Hiiraan iyo Shabelellada Dhexe in
ay wadajir, midnimo iyo daris wanaag muujiyaan oo ay sida ugu fudud uguna
dhakhsiyaha badan usoo dhistaan Maamul Goboleedkooda. Sidoo kale Xukuumadda
Federaalka waxaa loo xilsaaray in wixii tas-hiilaad ah ee loo baahan yahay ay u
fidiso abaabulka iyo fulinta dhismaha Maamul-Goboleedka, arrimaha la xiriira
doorashooyinkana go’aan kama danbays ah ka gaarto.
8.) Arrimaha Aqalka Sare
8.1.) Madashu markay
aragtay Cabashooyinka badan ee ka imaanaya Qaybaha Bulshada soomaaliyeed
qaddarisayna muddada kooban ee la haysto in lagu fuliyo doorashooyinka dadban,
waxay go’aamisay in tirada kuraasta Aqalka Sare lagu xaddido Konton iyo Affar
xubnood (54) si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo heshiiskii Madasha ee12-kii
Abriil 2016.
9.) Arrimaha Somaaliland
9.1.) Go’aamada Madasha lagu
gaaray ee ku aadan hanaanka iyo maamulka doorashooyinka waxa loo adeegsanaya
oo keliya kuna eg yihiin doorashooyinka dadban ee 2016.
9.2.) Go’aanada ku aadan saamiqaybsiga mattalaadda dadweynuhu ku leeyahay Golayaasha Sharci-dejinta
Federaalka ee ay Madashu gaartay kuma yeelanayaan Saamayn Go’aannada
kasoo baxa wadahadallada kama-dambaysta ah u socda Soomaaliya iyo Somaliland.
10.) Guntanka fadhiga iyo
codeynta ergada: Madashu waxay go’aamisay
10.1.) Guntanka fadhiga
codeynta ergada oo ka kooban 51 xubnood wuxuu ku ansaxaya markii ay goobjoog
yihiin oo ay codeeynayaan ugu yaraan 41 xubnood, oo u dhiganta 80% tirada guud
ee ergada;
10.2.) Madax-dhaqameedka
beesha oo ka mid ah haddii uusan isaga iskiisa uga tanaasulin ama cid kale u
wakiilan, kama reebanna in uu ka mid noqdo ergada beeshiisa uu codna ku yeesho.
11.) Arrimaha Amniga
11.1.) Madashu si qotadheer
ayey uga wada hadashay layslana meeldhigay sugidda amniga dalka guud ahaan iyo
sugidda amniga doorashooyinka gaar ahaan;
11.2.) Madashu, Waxay kaloo Guddoomisay in la dhiso Guddiga Ammaanka Qaranka oo ka kooban; Madaxweynaha
Soomaaliya oo Guddoominaya ayna ka mid yihiin: Guddoomiyaha Golaha Shacabka,
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlada Goboleedyada,
Wasiirrada Xukuumadda ee Amniga, Caddaaladda, Difaaca, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.
11.3.) Waxaa kaloo la
go’aamiyey in Guddiga Amniga Qaranka yeesho Xoghayn Khibrad u leh Aminiga oo uu
hoggaaminayo la-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada;
11.4.) Madashu waxay soo
dhaweysay iskuna raacday qorshaha isku dhafka iyo weliba qaab dhismeedka hoggaamada
Ciidammada Qalabka Sida (CQS) ee Soomaaliyeed.
12.) Taageerada
Geeddisocodka Doorashooyinka 2020.
12.1.) Madashu, iyadoo Aqoonsan in loo baahan yahay in Doorashooyinka Tooska ah ee la filayo in la
qabto 2020 noqdaan gundhig si adag u dhidibba aasaya dimoqraadiyeynta dalka,
waxay ugu baaqeysaa Beesha Caalamka inay Taageero isla Garab-taagto Guddiga Madaxa-bannaan
ee Doorashooyinka Qaranka.
13.) Madasha MHQ
13.1.) Madashada MHQ waxay
diyaar u tahay in ay isu timaado kana tashato hadba wixii kale ee soo kordha.
14.) Mahadcelin
14.1.) Madashu waxaa ay u
mahadcelineysaa Safiirada idman ee haweenka Somaaliyeed iyo guddiga xildhibaanada haweenka ee baarlamanka federaalka oo runtii howl-karnimo aadka u dheer muujiyay iyo inay ka go'an tahay ka gun gaaridda qoondada haweenka ee 30%.
14.2.) Madashu waxaa sidoo
kale u mahadcelineyaan Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee heer federaal & heer dowlad goboleedba shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadii yareyd ee
ay jireen.
14.3.) Madashu waxay kaloo
si gaar ah ugu Mahad-celineysaa Beesha Caalamka oo Had iyo goor taageero la
garab taagan dowladda federaalka Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya