4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Sedex qof oo rayid ah oo ku dhimatay Gaari shacab oo ay Miino kula kacday J/hoose
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) —Gaari Homy ah, nooca ay Soomaalida u taqaan Caasiga, islamarkaana kamid ahaa gaadiidka khudaarta ka keeni jiray deegaanada Gosha ee gobolka J/hoose ayay saaka Miino kula kacday nawaaxiga deegaanka Baar-zanguuni ee gobolka J/hoose, ayadoo ay ku dhinteen Wadihii gaadiidka iyo laba qof oo kale oo saarnayd.

Gaariga ayaa xilligii uu qaraxa haleelayay waxa uu ku sii jeeday deegaanka Baar-zanguuni iyo deegaano kale oo hoostaga, goobaha oo uu kasoo qaadi jiray Khudaarta noocyadeeda kala duwan, oo loo iibgeeyo magaalada Kismaayo.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Baar-Zanguuni oo shabakadda HOL la hadlay isaga oo magaciisa qarinaya ayaa sheegay in Miinada ay ahayd mid ku aasnayd wadada, islamarkaana ay gaariga haleeshay, iyadoo uu gabi ahaanba basbeelay gaariga.

Afhayeenka laamaha amniga Jubaland Axmed Max'ed Max'uud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Miinada ay goobta ku aaseen Al-shabaab, isagoo sheegay in ay uga gaashaamanayeen dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda ka wadeen deegaanadaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Xasan Nuur, Hiiraan Online