4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Somaliland oo Cambaareysay Qodobbo ku jiray War-murtiyeedkii Shirkii IGAD (SAWIRRO)
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Max'ud Siilaanyo ayaa cambaareeyey qayb ka mid ah War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii IGAD ku qabsatay Muqdisho, isla markaana xusay in Marti-qaad uu u fidinayaan Midowga Afrika inay u soo diraan Somaliland Guddi Xaqiiqo-raadis ah si ay u eegaan Rabitaanka Shacabka Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisan tahay ee waafaqsan Axdi-qarameedka Xuduudaha Qaaradda Afrika.

Sidaas wuxuu ka sheegay shir casho sharaf ah oo xalay ka dhacday xarunta madaxtooyadda uu madaxweynuhu la yeeshay guddida heer qaran ee Ictiraaf raadinta Somalialnd, waxaana Ujeeddada kulan lagu sheegay in ay tahay Dardar-galinta ka midho dhalnta ictiraaf ay hesho Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo  oo ka hadlayay shirkii Ururka IGAD  uga Furmay Muqdisho, ayaa yiri. “Sida aynu la wada soconno, waxa caasimadda dalka Somalia lagu qabtay maanta shir sannadeedkii urur-goboleedka ay ku buhoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD. Marka ugu horreysa, waanu soo dhawaynaynaa in Shirkaasi ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaanu u aragnaa Tallaabo Geesinimo leh oo hore loo Qaaday. Somaliland, waxay soo Dhawaynaysaa Dadaallada ay ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka Midowga Africa sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Dalka Somalia, isla markaana loogu dhisi lahaa Dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran.Waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qayb qaadanno, isla markaana gacan weyn ka geysanno dedaaladda nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed. Waxaanu nahay dal iyo dad bisil oo aaminsan in dhibaatada gaadha ay annagana saamayn nagu leedahay. Sidaa darteed, waxaanu jecel-nahay nabaddooda iyo horumarkooda.”

Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyey qodobo ku jiray war-murtiyeedka ka soobaxay shirkii IGAD ee Muqdisho ka dhacay, waxaanu yidhi “Waxaanu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qodobka ka hadlaya Midnimada Somalia. Waxaanu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Somalia iyo Somaliland ka jirta. Waxaanu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madax bannaan oo aan ka mid ahayn maamul goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Somalia, ee looga taliyo magaalada Muqdisho.Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaanu u aragnaa maag iyo meel ka dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas'uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan).”

Isagoo intaa ku daray. “Somaliland, waxaan Beesha Caalamka ugu baaqayaa inay garwaaq-sadaan xaqa sharci iyo ka bini'aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.”

“Qarannimada iyo Madaxbanaanida Somaliland waxay dan u tahay amniga, deganaanshaha, Geeddi-socodka Dimuqraadiyada, Ganacsiga iyo horumarka Bariga Africa iyo ka caalamka intaba. Madaxda Urur Goboleedka IGAD iyo Waddamada Midowga Afrika intooda kaleba, Waxaana ka codsanayaa inay qadiyadda Somaliland miiska keenaan, isla markaana shirarka dambe ajandayaashooda ku daraan. Waxaan ku Marti-qaadayaa Dalalka Midowga Afrika in ay u soo diraan Somaliland guddi xaqiiqo raadis ah oo ka gun gaadha raabitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyada ay ku dhisan tahay waddan ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi Qarameedka Xuduudaha Qaaradda Afrika,”

Ugu dambeyn, Shirka waxa hadallo ka soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Adna Aadan Ismaaciil, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada |SL, Siciid Jaamac Cali,

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland