4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
KENYATTA: Qurbo-joogta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in Dalkooda ay Maal-gashadaan
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shirkii IGAD ee shalay Muqdisho lagu Qabtay ka sheegay in uu Dowladda Somalia ku ammaanayo qabashada Shir-madaxeedka ururka IGAD, isagoo ugu baaqay Soomaalida Qurbaha ku nool in ay waddankooda maal-gashadaan.

Uhuru Kenyatta ayaa ammaanay nabad-galyada Muqdisho, isagoo xusay inay tahay markii ugu Horreysay oo uu Muqdisho yimaado, balse aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo uu yimaado.

“Waa markii iigu horreysay oo aan Muqdisho imaado, laakiin ma noqon doonto markii iigu dambeysay,” ayuu yiri Kenyatta oo Hadalkaan ula jeeday in uu mar kale soo booqan doono Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa ka Dalbaday Soomaalida Qurbaha ku nool inay Dalkooda maal-gashi ku sameystaan, isagoo xusay in Somalia ay wax badan ka wanaagsan tahay sida lagu sheegayo iyo colaadihii ay soo martay.

“Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida Qurbaha ku nool - inay Waddankooda maal-gashiyo ku Sameystaan,” ayuu mar kale yiri Kenyatta oo ay Dhinacyadii Taagnaayeen Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya & Kenya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in in dalkiisa ay ka go’an tahay inuu is-garab-taago Somalia, uuna intii awooddiisa ah ka caawiyo wax walba oo ay uga baahato inta uu dalku cagihiisa isku taagayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya