4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2016
Shirkii Madasha Wada-tashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay iyo Bayaan laga soo saaray (SAWIRRO)

Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Shirkii Wada-tashiga Qaran ee Doorashada oo muddo toddobaad ah ka socday Muqdisho, ayaa maanta lasoo Gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed dhawr qodob ka kooban.

Toddobaadkii uu shirkan socday, ayay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu uga hadleen hannaanka doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan iyo muran ka dhashay xubno dheeri ah loogu daray Puntland xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka, inkastoo ay jireen qodobbo dhawr ahaa oo la isku qabtay, balse markii dambe is-afgarad laga gaaray.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Shirka soo xiray, isagoo ka Warbixiyay mudadii uu socday shirka iyo go’aanada la gaaray. Waxaana Shirkan lagu magacaabay guddi amni oo uu guddoomiye uu u yahay madaxweyne Xasan.

Sidoo kale, Xiritaankii kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Hoggaamiyeyaasha Puntland, Koofur-galbeed, Jubbaland, RW Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha BF Somalia, Maxamed Cismaan Jawaari. Waxaase ka maqnaa goobta madaxweynaha Galmudug.

Ugu dambeyn, War-murtiyeedkii laga soo saaray shirka Wada-tashiga Doorashooyinka, ayaa Waxaa Saxaafadda u Akhriyay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Daa’uud Aweys.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya