4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Dowladda Canada oo Kordhinaysa Qaxootiga ay Qaadanayso sanadka 2017-ka

/images/2016/Sept/
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Dowladda Canada ayaa ka fiirsanaysa in ay wax ka badasho nidaamka aqbalid-da dadka soo galootiga ah ,waxaana bisha November lagu wadaa in tiro badan ay ogolaansho u helaan ku noolaanshaha gudaha dalkaas.

Wasiirka soo galootiga John Mccallum oo ka hadlayay shir barlamaanka Canada ay ka yeesheen arinta qaxootiga ayaa sheegay in xubno badan oo dowladda ka tirsan ay soo jeediyeen in qaxootiga si gooni ah loola tacaalo.

“Dhamaan dadkii aan la hadlay waxa ay u codeeyeen in qaxootiga soo galaya dalka la kordhiyo ,haba kala duwanaadaan sababta ay u imaanayaane ,balse dowladdu ma shaacin doonto go’aankeeda arintan ku aadan ilaa iyo bisha November “ ayuu yiri McCallum oo la hadlayay warbaahinta.

Qarshaha dowladda ee sanadkan ayaa hoosta ka xariiqaya in wadanka daganaansho ay ka helaan 300,000 oo qof oo soo galooti ah oo ay ku jiraan 80,000 qof oo lagu wado in ay dib ula midoobaan qoysaskooda oo ku nool Canada.

Tiradan waxaa ku jira 57,000 oo qaxooti ah iyo 162,400 qof oo ah dadka shaqa raadiska u yimid Canada ,waxaana labatankii sano ee ugu danbaysay Canada soo gaarayay qaxooti ka badan intii la filiyay kuwaasi oo siyaabo kala duwan u yimid.

Sanadkii 2014-ka Canada ayaa aqbashay qaxooti dhan  260,404 qof ,kuwaasi oo 7% ka ah bulshada guud ee Canada ,waxaana xog uruurin laga sameeyay Canada ay soo jeedisay in dowladdu ay sanadka 2017-ka qaadato tiro ka yar inta la hadal hayo ,halka 16% kiiba ay so jeediyeen in tirada qaxootiga ah la kordhiyo.

Ugu danbayn,wasiirka ayaa  balan-qaaday in la shaacin doono wax ka badal lagu sameeyay qorshe kmg ah oo lagula dhaqmo ajaanibta ka shaqaysata gudaha dalkaasi ,waxaana uu timaamay in ay sugayaan warbixin ay dowladdu sii dayn doonto oo la xiriirta barnaamijka dadka muhaajiriinta ah. 

Faysal M.Hassan
[email protected]