4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika oo ku baaqay in doorashada Soomaaliya noqoto mid xaq ah

Arbaco, Sitember 14, 2016 (HOL)-Hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD ee maalintii labaad ku shirsan Muqdisho Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay wajahaan qaab xaq iyo xor ah in ay doorashadu u dhacdo.

Doorashada dadban ee guud ayaa waxaa la filayaa inay Soomaaliya ka dhacdo dabayaaqada sanadkaan aanu kujirno ee 2016.

Waxaa la dooranayaa madaxweyne iyo xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka ee la qorsheeyay.

'Hoggaamiyeyaashu waxay ku boorinayaan dhammaan Soomaalida inay ka qeyb qaataan hannaanka doorasho ee 2016 waxayna rajeynayaan in doorasho xaq ah oo xor ah lagu qabto waqtiyadii loo cayimay', sidaana wareegto ay xalay soo saareen ayay ku sheegeen.

Dhankiisa madaxweynha Uganda, Yuweri Kaguta Museveni ayaa sheegay in Soomaaliya ay kutillaabsatay tillaabooyin wanaagsan gaar ahaan dhanka xasilloonida iyo soo celinta amniga iyo kala dambeynta. Waxaa ku waafaqay raisul wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn.

Waxay ka qeybgaleyaashu ka wada hadleen ilaa shalay ilaa hada oo aanu warbixintaan qoreyno qodobo badan sida doorashada Soomaaliya ee soo socota iyo amniga Koofur Suudaan.

Kaasi wuxuu ahaa shirkii ugu horeeyay ee lagu qabto Soomaaliya ee IGAD leedahay laga soo bilaabo markii ururkaa la aasaasay sanadkii 1986.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]