4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Diyaaradihii Jaadka oo Maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee Magaalada Muqdisho
Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa waxaa kasoo dagay maanta diyaaradihii Jaadka, kaddib markii dowladda federaalka ah ay ku dhawaaqday inay hakisay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Diyaarado dhawr ah oo wada Jaad ayaa kasoo dagay garoonka, waxaana halakas ku sugan dadweyne badan oo isugu jira dadka jaadka cuna iyo kuwa ka ganacsada oo aad ugu faraxsan imaanshaha Jaadka.

Madaxweynayaasha dalalka Somalia iyo Kenya, ayaa shalay kawada hadlay in dib loo furo Ganacsiga Jaadka/Qaadka Kenya oo Dowladda Soomaaliya ay Xayiraad Saartay, inkastoo marka laga reebo Muqdisho uu jaadku ka degi jiray garoommada kale ee dalka qaarkood.

“Haa… Jaad badan ayaa soo dagay maanta, way ka duwan tahay maalmihii lasoo dhaafay oo Muqdisho ay ka jirtay Qaad la’aan xooggan,” ayay tiri haweeney ka mid ah kuwa ka ganacsada Jaadka oo la hadashay HOL.

Ugu dambeyn, Joojinta Qaadka ayaa culeys weyn ku ahayd Ganacsatada iyo Dadka Cuna, waxaana tallaabada ay dowladdu qaadday ay muujinaysaa in awood buuxda ay u leedahay inay joojiso jaadka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya