4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
SAWIRRO: Sidee u ciideen Muslimiinta ku nool Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota?

Arbaco, September 14, 2016 (HOL) — Madasha ugu weyn ee shirarka iyo xafladaha lagu qabto ee Magaalada Minneapolis ee lagu magacaabo Minneapolis Convention Center, ayaa waxaa soo buuxiyay kumannaan Muslimiinta ah oo daggan Gobolka Minnesota, kuwaasoo ku tukaday Salaada Ciida-Adxa.

Waxaa goobtaa soo diyaariyey masjid abuubakar sadiiq ee magaalada Minneapolis, waxaana oron karaa dorraad waxay ahayd goobtii ugu badneed ee Soomaalida Minnesota ay hal mar isagu soo baxaan , waxaana laga maarmiwaayay in la xiro saacado qaar ka mida wadooyinka faras magaalaha Minneapolis.

Dadweynihii halkaas isugu yimid ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday farxad balaaran waxaadna arkaysay iyagoo salaamaha ciida is dhaafsanaya xabadka xabadka isku saaraya, Takbiirta ayaa aheed mid meel fog laga maqli karay

Maamulka Masaajidka Abuubakar oo ayaa uga mahadceliyey dadwaynahii fara badnaa ee goobta isku yimi siday u ilaaliyeen nidaamka , waxaana shalay latukaday labo jeer oo goobtu aay aad u buux dhaaftay.

Sidoo kale, dorraad magaaladaan waxaa lagu tukanaayey goobo waawayn sida Xarunta Exell Center St Paul , Barxada Ciyaaraha ee Xaafada Cedar Riverside, Masjid Karmel, Masjid Darul Hijra, Masjid Darul Faruuq, iyo dhamaan Masaajida kale ee Magaalada.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Minneapolis, MN, Mareykanka