4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 14, 2016
Diyaaradaha Qaadka Kenya Qaada oo Dib Loogu Fasaxay inay Tagaan Soomaaliya

Arbaco, Sitember 14, 2016 (HOL)-Kadib muddo ku dhow 10 maalmood oo diyaaradaha qaadka Kenya ka qaada ee Soomaaliya geeya ay xayiraad saarneyd ayaa haatan waxaa dib loogu fasaxay in ay qaadka geeyaan dalka Soomaaliya mar kale.

Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ee shalay Muqdisho uga qeyb qaatay shir madaxeedkii IGAD waxay ku heshiiyeen in xayiraada laga qaado diyaaradaha Kenya jaadka ka qaada ee Soomaaliya jaadka geeya. Waxay kaloo ku heshiiyeen in muddo bil ah gudaheed diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada loogu ogolaado in toos ay u yimaadaan Nairobi.

Waxaa hada lagu baaraa diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada garoonka Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya arinkaa oo Soomaalidu dhib ku qabto una aragto waqti lumis.

Baaritaanadaa Wajeer loo soo maro ayay ka cawdeen madaxda Soomaalida ayna codsadeen in loo ogolaado diyaaraduhu inay toos uga soo dagaan garoonka Jomo Kenyatta International Airport ama Wilson Airport ee Nairobi.

Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare ugu yaraan gaarsiisan tobanaan malyan oo doolar intii diyaaradaha qaadku xayirnaayeen.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]