Shirkii Dalalka IGAD oo lagu soo Gaba-gabeeyay Muqdisho iyo Bayaan kasoo baxay (SAWIRRO)
Talaado, September
13, 2016 (HOL) — Shir-madaxeedkii IGAD ee Muqdisho lagu qabtay ayaa lasoo
gaba-gabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-murtiyeed ay ka mid ahaayeen in la
ilaaliyo midnimada Soomaaliya.
Bayaanka Shirka IGAD ka soo baxay oo ka koobnaa 22-qodob, ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Wasiirradda arrimaha dibadda Kenya, Aamina Maxamed Jabriil kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; In loo
xaqiijinayo Somalia Madax-bannaanideeda dhul, mideeda siyaasadeed iyo tan
guud ee Midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Shirka IGAD wuxuu
soo dhaweeyay warbixinta Madaxda Dowladda Somalia ay ka siiyeen madaxdii shirka joogay hannaanka
doorashooyinka ee sannadkan 2016-ka, taasoo ay ku baaqeen in doorashadu ay noqoto mid ay
dadka oo dhan ka qayb-qaataan.
Qodobbada kale ee War-murtiyeedka, ayaa Waxaa ka mid ahaa in madaxda IGAD ay isku raaceen in Arrimaha Soomaaliya
looga dambeeyo sida xasilinta dalka iyo sidoo kale dib u dhiska dalka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Waxaa looga mahad-celiyay Horumarka ku aaddan dhismaha Maamul-goboleedyada Somalia, iyadoo sidoo kalena loogu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyo badan lagu dhameystiro dhismaha
maamulka Hiira an iyo Shabeellada Dhexe.
Xukuumadda Somalia ayaa
loogu baaqay inay doorashadu noqoto mid cad oo aanu shaki ku jirin, isla
markaana AMISOM ayaa lagu boorriyay inay bixiso wax walba oo fududeyn kara
doorashada, gaar ahaan dhinaca ammaanka si ay dadku doorashada uga
qayb-qaataan.
Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia, ayaa iyagana loogu baaqay in dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ay sii xoojiyaan si ay uga saari lahaayeen deegaanada gacantooda ku jira weli, lana gaarsiiyo maamulka dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhankeeda inay sii waddo taageerada ay Dowladda FS siiso, Sida dhinacyada Dhaqaalaha, qalabka iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka u ah si xasilinta iyo dib u dhiska dalka.
Dhanka kale, Waxaa Kulan Gaar ah yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo kawada hadlay hakinta Jaadka
ee ay Dowladda Federaalka Somalia toddobaadkii hore ay ku dhawaaqday inay
hakisay.
Ugu dambeyntii, Shir jaraa’id
oo ay wada-qabteen Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxay sheegeen inay
isku raaceen in dib loo furo Jaadka Somalia uga yimaada Kenya, isla markaana ay Xukuumadda Kenya ay muddo saddex bilood ah uga baaraan-dagto sidii
loo joojin lahaa baaritaannda dadka Muqdisho ka dhoofa ay ku sii maraan degmada
Wajeer ee Kenya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya