Shir Madaxeedka IGAD oo goor-dhaw ka furmay Muqdisho iyo Madax aan ka Qayb-galayn (SAWIRRO)
Talaado, September
13, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhaweyd ka Furmay Muqdisho Shir madaxeedka IGAD oo ay
ka qayb-galayaan afar hoggaamiye oo ka tirsan todobada waddan ee xubnaha ka ah
ururka, sida Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni, Kenya Uhuru Kenyatta, RW
Itoobiya Haile-Mariam Desilegn, madaxweyne Xasan Sheekh Max'uud oo shirka
marti-gelinaya.
Shirka ayaa waxaan ka qayb-galayn
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la sheegay in diyaaraddii sidday
ay cilad lasoo daristay ayna Muqdisho dib uga laabatay iyo Madaxweynayaasha Sudan
iyo Koonfura Sudan.
Dhanka kale, Dalalka ay
hoggaamiyeyaashoodu maqan yihiin ayaa waxaa shirkan ku meteli doona xubno kale,
iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Hadliye uu sheegay in Al-Bashiir uusan
shirka imaanayn oo uu metelayo safiirkiisa Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Shirkan ayaa looga
hadli doonaa ajandayaal ay ka mid yihiin xaalka dalka Koonfurta Suudaan oo ay
colaado ka taagan yihiin; Doorashooyinka Somalia ka dhacaya sannadkan iyo
qodobbo kale.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya