Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo ka Warbixiyay Xarun Diiwaan-gelineed oo la Weeraray
Talaado, September
13, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, Cabdulqaadir Iimaan
ayaa sheegay in goob Diiwaan-galineed oo ku Taallay magaaladda laascaanood laga
xaday Qalabkii diiwaangelinta ee taallay.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Iimaan, ayaa sheegay in nasiib wanaag xogtii ku jirtay qalabkaasi
ay xarunta dhexe ku soo dhacday, isla markaana aanay lumin xogtii ku jirtay
Computerka la qaatay, isagoo dadweynaha iyo dadkii goobtaasi iska
diiwaangaliyey u sheegay inay hora uga sii gaashaanteen in qalabka haddii wax
ku dhacaan xogtu aanay lumin.
“Afartii habeenimo ee
Ciidda, ayaa xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ay niman tuug ahi soo
weerareen goob diiwaangelineed oo lagu diiwaangalinayey dadkii ka habsaamay ee
dheeriga loo yaqaan oo inta badan dadka tododbaadka hore ka soo qaybgali waaya
waxa la siiyaa wakhti kale oo dheeri loo yaqaan, waxaanu goobtaasi ku taallay
dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee laascaanood”ayuu yidhi Imaan oo ah gudoomiyaha
doorashooyinka.
Waxaanu intaas ku daray. “Waxayna
tuugtaasi usoo dhaceen goobtaasi waxayna qaateen Computerkii lagu
diiwaangalinayey dadka, laakiin nasiib wanaaag
waxaan ummadda Somaliland iyo
dadkii goobtaasi laga diiwaangalinayey u sheegayna in xogtii ama macluumadkii
Computerkaasi ku jirtay aynu hayno oo xarunta dhexe ay ku soo dhacaysay, marka
wax inaga lumay ama xumaaday ma jirto xogtii diiwaangalinta ee Computerka ku
jirta waanu haynaa, waxaana nimankaasi tuugta ah ee qalabkaasi qaatay leeyahay
Computerkaasi wax faa’iiddo ah oo uu idin tarayaa ma jirto, xiitaa idinma furmayo,
xiitaa macluumaad kama helaysaan oo xagtii anaga haynaa , waxaana leeyahay iska
keena waxba idinma tarayaa”.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay
in dadkii qalabkaasi qaatay ciidanku ku daba jiraan,isla markaana ciidanka
Militarugu ku hareeraysan yihiin meeshii ay la tageen “tuugtaasna ciidanka ayaa
ku daba jira, waxaana magaaladda Laascaanood jooga wasiirkii Arriamha gudaha oo
sheegay lagu daba jiro, ciidanka Militarigu ku xeeran yihiin goobtii ay ku
dhuumanayaan”
“Dadweynaha waxaan leeyahay
goobtani waxay la mid tahay goobtii sidan oo kale qalabka looga qaatay ee ku taalay waqooyiga ee Hadayta oo niman budhcad ahi soo
weerareen, ee markiiba aanu dadweynihii iyo ciidankiiba tusnay in xogtii
Computerkaasi ku jirtay aanu xarunta dhexe ku hayno, ee dadweynihii
isdiiwaangaliyey u sheegnay in xogtaasi aanay lumin ee aynu haynaa, marka wax
inaga lumayaa ma jirto waana wax ugu tallogalay wax kasta oo ku dhaca
qalabkaasi ama la qaato in xogtu si toos ah ugu soo dhacdo xarunta dhexe ee
Komishanka doorashooyinka, marka wax inaga khasaarayaa ma jirto”ayuu sii
raaciyey.
Guddoomiyaha gudiga
doorashooyinka oo faahfaahinaya goobaha ay diiwaangelintu ka dhacday iyo sida
ay ugu suurogashay inay gaadhaan ilaa Xadka waxa uu yidhi “Gobolka Sool waxay ka dhacday 175 goobood oo
waxaanu gaadhnay illaa xuduudda, waxaana kaalin weyn ka qaatay ciidamadda kala
duwan,waxa kale oo u mahad celinaynaa madax dhaqameedka gobolka iyo
siyaasiyiinta ka soo jeedda oo si weyn noola shaqeeyey oo sabab u ahaa in
goobahaasi si nabadgalyo ah uga dhacdo, todobaadkii hore si fiican bay u
dhacday, imika waxa hadhay uun in dadkii ka habsaamay ee dheeriga ah goobo ku
cayima ah la dhigay si dadkii wakhtigaasi hore ka faa’iidaysan kari waayey
imika isku diwaangalinayaan, wakhtigii dheeriga ahaa ee la siiyeyna waa gabo
gabo”
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland