Hoggaamiyeyaasha Waddamada Kenya, Uganda iyo Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)
Talaado, September
13, 2016 (HOL) — Madaxweynayaasha Dalalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo R/wasaaraha Itoobiya, Hailemariam
Desalegn ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka Qayb-galaya Shir-madaxeedka IGAD oo markii
ugu horreysay lagu qabanayo maanta Soomaaliya.
Sidoo kale, Waxaa la fliayaa
inay goor-dhaw iyaguna soo gaaraan Muqdisho Mas’uuliyiin kale oo ka socda waddamada IGAD, iyadoo wararku ay sheegayaan in diyaaraddii Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle siday ay cilad awgeed uga laabatay hawada Soomaaliya, inkastoo aysan dowladda Somalia arrintaas weli ka hadlin.
Wufuuddan ka socda Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo Dhaweeyay Mas’uuliyiinta
ugu sarreysa Dowladda Somalia oo uu ka mid yahay Madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud.
Dhanka kale, Hoggaamiyeyaashaan oo ay kasoo horreeyeen Wasiirradooda Arrimaha Dibadda ayaa la geeyay Hoteelka Peace oo ku dhaw Garoonka
Diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo uu ka dhacayo shir-madaxeedka IGAD.
Ugu dambeyn, Shir Madaxeedka IGAD ayaa lagu wadaa
inuu goor-dhaw ka furmo Muqdisho, iyadoo loo hadli doono arrimo ay ka mid
yihiin Doorashooyinka la filayo inay Sannadkaan ka dhacaan Soomaaliya iyo Xaaladda qaska ah ee ka taagan Waddanka Koonfurta Suudaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya