4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Sawirro: Hay’ada Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta oo Qoys Danyar ah u Qaybisay HILIB
Talaado, September 13, 2016 (HOL) — Hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa deeq hilb ah u qaybisay boqollaal qoys oo dan-yar ah, gaar ahaan Barakacayaasha ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee Muqdisho ku sugan.

Bisha Cas ee Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa qashay 200 oo Neef oo lo’ ah, oo ay ugu talo-gashay in Hilibkood loo Qaybiyo Qoysaska Dan-yarta ah, Barakacaayasha, Xarumaha agoonta iyo Qoxootiga Yemeniyiinta ah, si ay Walaalahooda kale ula Qayb-sadaan Farxadda Ciidul-Adxa.

Deeqdaan Hilibka ah ee ay Qaybisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaa ka faa'iideystay ku dhawaad 2400 oo Qoys, kuwaasoo isugu jira Barakacayaal, Dadka dhimirka la' ee ku jira Isbitaalka Laan-sareeti iyo Qoxootiga Yemen ee ku nool Muqdisho.

Sidoo kale, Dadweynihii ka Faa'iideystan Deeqdan ayaa uga Mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka walaalahood ah ee Imaaraadka Carabta oo deeqdaan soo gaarsiiyay, iyagoo xusay inay kusoo beegantay Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen, isla markaana ay Munaasabadda Ciidul-Adxa u Dabaal-dagayaan.

Dhanka kale, Qaar ka mid ah Dadkii ka faa'iideystan Deeqdaan Hilibka ah, ayaa Dowladda Imaaraadka Carabta ku amaanay sida ay mar walba u garab-taagan tahay shacabka & weliba Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ah Dowladaha Carbeed ee mar walba taageerada la garab-taagan shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladooda, taageeradaas oo isugu jirta mid Siyaasadeed, dhaqaale, Caafimaadka, Mashaariicda Horumarineed ee kala duwan iyo kaalmada bini'aadamnimo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya