4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Wasiirro Arrimo Dibadeedka Dalalka IGAD Qaar ka mid ah oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho
/images/gallery/2015196355639596612493546.jpgTalaado, September 13, 2016 (HOL) — Waxaa goor-dhaw Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho kasoo dagay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Jabuuti, Kenya iyo Uganda, kuwaasoo hordhac u ah wafdiga ka qayb-galaya shirka IGAD.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Waddooyinka soo gala, ayaa Ammaankooda si aad ah loo adkeeyay, waxaana Wasiirrada hor-dhaca ah kusoo dhaweeyay Garoonka Mas'uuiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka laga helayo Garoonka Aden Adde, ayaa sheegaya in Wasiirrada IGAD loo Gudbiyay madasha uu ka dhacayo Shir-madaxeedka IGAD, kaasoo markii ugu horreysay lagu qabanayo Muqdisho tan iyo markii la aasaasay ururkaan sannadkii 1986-kii.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud, ayaa sheegay in shirkaan uu u yahay fursad weyn Somalia, ayna Beesha Caalamku ku Qiimeyn doonto Horumarka ay gaartay Dowladda Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay.

Ugu dambeyn, Waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxda Waddamada ku bahoobay IGAD, kuwaas oo Shir Saacado socon doona ku yeelanaya Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya