4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Injineerada Militariga ee QM iyo Ururka Midowga Afrika oo damacsan inay u kordhiyaan mashaariicda injineeriyada la xiriira dalalka IGAD

 

Talaado, Sitember 13, 2016 (HOL)-Injineerada militariga ee QM iyo ururka midowga Afrika (AU) ayaa Muqdisho ka furay shirweyne labo maalmood ah shalay kaasoo looga gol leeyahay sare u qaadida awoodaha dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab.

Injineerada ayaa kasoo jeeda dalka Brititain iyo dalalka midowga Afrika ayagoo qaarka Britain ay ka tirsan yihiin hayada QM gaar ahaan xafiiska taageerada Soomaaliya (UNSOS). Waxay damacsan yihiin helitaanka habab si wax ku ool ah loogu horumariyo taageerada AMISOM.

Furitaankii shirka ayaa Wakiilka Gaarka ah ee AU u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira uu ku taliyay in lasameeyo saxitaan dhab ah oo lagu samaynaayo mashaariicda injineeriyada ee AMISOM siinaya taageero wax ku ool ah.

"Waxaan hubaa in dhammaantiin aad ogsoon tihiin ahmiyada ay leedahay injineeriyadu iyo dowrka ay ka ciyaarto hawgalka militari," sidaa ayuu yiri.

Shirkaa ayaa bixinaya waayo aragnimo kuna soo koobaya ficil sida madax kale oo ka qeyb qaadanaya ay sheegeen.

Waxay sidoo kale sheegeen in Soomaaliya maahee ay mashaaricdaa oo kale sidoo kale gaarsiin doonaan kuna fidin doonaan dalalka kale ee katirsan IGAD.