4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga joojiyay maanta Duullimaadyadii Rayidka ahaa ee imaan jiray
/images/2016/Mar/2016319635939930915055885Garoonka_Aadan_Cadde_Muqdisho_Somalia_660.jpgTalaado, September 13, 2016 (HOL) — Duulimaayadii rayidka ahaa ayaa laga joojiyay inay maanta yimaadaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu wado inay garoonka Aden Adde kasoo dagaan madaxda Waddamada ku bahoobay IGAD oo shirkoodii uug horreeyay maanta ku yeelanaya Muqdisho.

Qaar ka mid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inaysan maanta jirin wax duullimaadyo ah oo dad keenaya ama ka qaadi doona garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sidoo kale, shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu warjiyay inaysan shaqo u imaan garoonka maalinta talaalada oo maanta ah; waxaana garoonka lagu soo warramayaa inay diyaar ku yihiin madaxda Dowladda Somalia oo soo dhaweyn u sameyn doona madaxda IGAD ee iman doona maanta.

Waddada gasha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la suray Calammada dalalka IGAD, taasoo qayb ka ah soo dhaweynta madaxda Waddada IGAD ku bahoobay oo maanta soo gaaraya Muqdisho.

Dhanka kale, Illaa hadda lama caddeyn madaxda IGAD ee imaanaysa Muqdisho, inkastoo madaxweynaha waddanka Sudan, Cumar Xasan Bashiir uu horay u sheegay inuusan kasoo Qayb-galayn Shir-madaxeedka IGAD ee Magaalada Muqdisho lagu Qabanayo, Sababo la xiriira ammaankiisa, maadaama ay baadi-goob ku hayso maxkamadda ICC oo eedo kala duwan u haysata.

Ugu dambeyn, Ammaanka Muqdisho, gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo loo diiday in ay Shacabka iyo gadiidku maraan, waxaana sidoo kale la xiray goobaha ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya