4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay shirka IGAD ayadoo maanta uu ka furmayo

Talaado, Sitember 13, 2016 (HOL)-Ammaanka ayaa la adkeeyay caasimada Muqdisho Soomaaliya ayadoo maanta halkaa uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD.

Sabtidii ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh uu sheegay in ammaanka caasimada la adkeeyay. Wuxuu kaloo sheegay in sidoo kalena amniga nawaaxiga caasimada la adkeeyay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galaya madax kasocota dalalka IGAD ee Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Koofur Suudaan iyo Suudaan.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya, doorashada Soomaaliya ee nagusoo fool leh iyo xiisada colaadeed ee dalka curdanka ah ee Koofur Suudaan.

Qabashada shirkaan lagu qabanaayo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya oo aan marti galin shirar caalami ah laga soo bilaabo 1974 markaa oo shirka Midowga Afrika un mar lagu qabtay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]