4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Shir-madaxeedka IGAD oo lagu wado Maanta in Markii ugu Horreysay lagu qabto Magaalada Muqdisho


Talaado, September 13, 2016 (HOL) — Madaxda dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horreysay Muqdisho shir ku qabtaan, tan iyo markii ururkaa la aasaasay sannadkii 1986-kii.

Shir madaxeedkaan oo saakay furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda Djibouti, Jamhuuriyadda Itoobiya, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ajendaha looga hadli doono shirkan ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan dalka Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

“Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida shir madaxeedkan IGAD, waxay daliil cad u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka,” ayuu yiri Madaxweynaha Somlia.

Ugu dambeyn, Shirkaan ayaa kusoo beegmayaa - iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, taasoo madaxda Dowladda Somalia ay ku tilmaantay xaqiijinta amniga shirka IGAD.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya