4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Bandhigga HBO "Mogadishu, Minnesota" ama 'Muqdisho, Minnesota' oo muran dhex dhigay bulshada Cedar Riverside


Talaado, Sitember 13, 2016 (HOL)-Xaflad Sebtidii aanu soo dhaafnay ka dhaceysay xaafada Cedar-Riverside ayaa la carqaladeeyay.

Xafkadaa ayaa waxaa qasay dad ka careysnaa barnaamij ama bandhig ama waxa loo yaqaano TV show kaasoo ku saabsan Soomaalida. Waxaa wax ka qoray amaba ku jiray dadkii showgaa wax ka qoray K’naan oo ah fannaan Soomaali Canadian ah.

Labo qof ayaa la xiray. Qof dumar ah iyo canug yar ayaa la xiray loona diray xarun carruurta dembiyadooda lagu soo baaro.

Dadkaa ayaa mudaaharaadeyaal rabsho sameeyay kujiray ama lala xiriirshay booliskuna wuxuu isku dayayay inuu kala kaxeeyo dadkaa oo sheegay in bandhiggu uusan u rooneyn bulshada Soomaaliyeed ee reer Mareykan isla markaana sidaa uu u yahay mid dood kulul dhaliyay.

Bandhigga oo loogu magac daray ama lagu magacaabay 'Muqdisho, Minnesota'  ayaa kusaabsan nolosha Soomaali Ameerikaanka.

Maadaama K’naan uu yahay Soomaali ayaa dadka qaarkii ay sheegeen in showgu ka turjumaayo nolosha dhabta ah ee bulshada reer Mannisota.

Boggiisa Facebook, K’naan wuxuu ku qoray in uu dareen wanaagsan u hayo showga. Hase ahaatee dadka ka soo horjeeda qaar ayaa sheegay in Islaam nacayb uu ku saabsan yahay ama waxa loo yaqaano Islamophobia.

“Wadajir anagoo ah waxaanu doonaynaa inaan kasoo horjeesano muuqaalka warbaahintu naga muujiso ka Soomaali ahaan iyo ka Muslimiin ahaan guud ahaan dabadeedna aanu sheekada dhankeena sida ay tahay aan uga sheegno — ujeedkeygu waa inaan soo bandhigo dhanka runta ah ee qurxoon ee shineemada lagu muujiyo mar mar dhif ah un,” sidaa ayuu soo qoray.

Maxamed Jaamc oo ah guddoomiyaha Ururka Isbahaysiga Bulshada Daanta Galbeed ama West Bank Community Coalition ayaa sheegay in 300 ilaa 500 oo shaqooyin cusub ah uu bandhiggu abuurayo uuna caawin karo xubnaha bulshada ee aanan shaqooyinka heysan.

Cabdi Warsame oo ka tirsan maamulka degmada hoose ee Minneapolis ayaa sheegay inay dhiirigalin tahay in nin Soomaali ah uu sheekada soo qoray, waa sheekada bandhigae.

Wuxuu sheegay inuu aqriyay qeybta sheekada bandhigga ah ee K'naan uu qoray ayna xiiso iyo dhiirigalinba leedahay.

“Waxaa laga yaabaa inaadan jecleysan balse HBO waa qorshe weyn.” Sidaana wuu yiri.

Ninka u dhaqdhaqaaqa bulshada ee lagu magacaabo Cumar Jamaal ayaa sheegay in inkastoo waxyaabo xaqiijin ah ay jiraan hadana uusan hubin asagu in showgu dheeli tirmi doono.

Burhan Muxumad oo daggan xaafada Cedar-Riverside ayaa sheegay inuu gacan ka geystay soo abaabulida mudaaharaadka maadaama uu ka walwalay in showgu si khaldan u muujin doono Muslimiinta iyo inuu keeni doono fikarado khaldan oo ku saabsan Jihaadka dadka loo diiwaan galiyo.

“Showgaan wuxuu sare u qaadayaa cabsida Muslimiinta'. Sidaa ayuu yiri Burhaan Muxumad.

'K’naan kulug lahaanshiyihiisa soo saarida wax ayay tareysaa laakiin waxaa laga yaabaa inay xallin weydo fikradaha khaldan ee jira', ayuu yiri Maxamed Jaamac.

'U malayn maayo in K'naan uu si ula kac ah ugu muujinaayo bulshada xumaan'. Sidaa waxaa yiri Cabdi Warsame.

Wuxuu Cabdi Warsame ku baaqay in bulshadu sugto ooy aragto sida uu kusoo baxo showgu.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]