4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 13, 2016
Afar qof oo falal amni darro lala xiriirshay oo lagu xiray Mombasa Kenya

Talaado, Sitember 13, 2016 (HOL)-Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa xiray afar qof oo fal amni darro ah lala xiriirshay caasimada labaad ee Kenya ee Mombasa.

Weerar dhacay Axadii aanu soo dhaafnay oo la sheegay in lagu qaaday saldhig boolis ayaa lala xiriirshay afartaasi in ay ku lug lahaayeen.  3 dumar ah ayaa la sheegayse in maalintaa ay weerarka ku qaadeen saldhiggaa booliska ee ku yaala Mombasa.

3 ka tirsan dadka la tuhunsaneyaasha ah ayaa boolisku sheegayaa inay yihiin qaxooti reer Soomaaliya ah kuwaasoo la sheegay inay la noolaayeen dad argagixisanimo lagu tuhmay oo Axadii boolisku toogtay kadib markii sida la sheegay Alle ayaa naga oge ay weerareen saldhigga booliska ee Bartamaha Mombasa ama Central Police Station. 

Hal la tuhunsane oo rag ah ayaa isna lasoo qabtay oo boolisku gacanta ku soo dhigay iminka kaasoo dumarkaa la noolaa.

Saddexda dumarka ah oo la kala yiraahdo Saciida Cali Xaaji, Naciima Maxamed Cali iyo Shukri Cali iyo ninka ayaa intuba haatan gacanta booliska ku jiraan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]