4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
SAWIRRO: Sida Shacabka Muqdisho ay Maanta ugu Ciideen Xaafadda Daaru-salaam, Muqdisho
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Boqolaal shacab ah oo Munaasabadda Ciidul-Adxaa
u Dabaal-dagayay, ayaa isugu tagay maanta Xaafadda Daaru-salaam ee Muqdisho. Dadkan ayaa aroortii hore ee Saakay ku ururay Xaafaladdaas oo loo diyaariyay goob salaadda ciidda ay ku tukadaan.

Dadkii Salaadda ka qayb-galay waxaa qayb ka ahaa Haween iyo Carruur aad u fara badan oo wajiyadooda laga dheehanayay farxad maalinta 1-aad ee ciidul-adxa oo maanta si rasmi ah u billaabatay.

Munaasabadda Ciidul-Adxaa ayaa ka mid ah maalmaha ay dadka muslimiinta ahi ku ciidaan Dunida oo dhan, kaddib gudashada Waajibaadka Diiniga ah ee Xajka oo shalay ay malaayiin muslimiin ah u taagnaayeen buurta carrafo.

Sidoo kale, Carruur badan ayaa xaafadda Daaru-salaam loogu diyaariyay qalab kala duwan oo ay ku Cayaaraan, iyadoo Dadka waaweyn ay iyaguna ku il-doogsanayeen dhismayaasha iyo geedaha deegaankaas lagu beeray.

Madaxa Suuq-geynta Daaru-salaam, Fu’aad Axmed Warsame ayaa ka warbixinayay sida ay ugu diyaar-garoobeen munaasabada, isagoo tilmaamay in Sannadkaan ay kusoo kordhiyeen agabyo Electronic ah sida; Gaadiidka, Tariinnada iyo Geymamka ay inta badan carruurtu ku cayaaraan, kuwaasoo aan horay looga heli jirin dalka Somalia.

Dabaal-dagga Ciidda ee Daaru-salaam, ayaa dadweynihii isugu tagay goobtaas waxay isugu hambalyeynayeen ciidda, iyadoo carruurta ay halkaas ka heleen agabyo kala duwan oo ay ku cayaaraa, waxaana goobta oo dhan laga dareemayay farxad aad u weyn.

Ugu dambeyn, Ciidul-Adxaa - Waa astaan u taagan Weyneynta Muslimiintu ay Weyneeyaan Waajibaadka Xajka oo ah - isku imaatinka ugu ballaaran ee Muslimiinta ay Sanadkiiba mar isugu tagaan Maka Al-Mukarama. Waxaana Sannad walba Xajka ka Qayb-gala Dadyoow ka kala socda in ka badan 150 Dal oo Caalamka ka mid ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya