4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
C/Qaadir Jaamac Barre: Waxaan ka danqaday xanuunka lixaadka leh ee gaaray karaamada ummada Soomaaliyeed

Isniin, Sitember 12, 2016 (HOL)-Ayadoo doorashada madaxweynenimo la filaayo inay dalka Soomaaliya ka qabsoonto bisha soo socota ayaa waxaa soo baxaya afkaar kala duwan oo dadku qabaan kuna aaddan halka madaxweyne cusub hadii lasoo doorto ay tahay inuu wax ka qabto ama waxa la qaban lahaa.

Sidoo kale ayaa in dhawaale waxaa murashaxiin badan ay shaaciyeen murashaxnimadooda doorashada soo socota ee fooda nagu soo heysa. Mid waliba wuxuu soo bandhigayaa manifesto-diisa ama waxa ka mowqif ahaan uu jeclaan lahaa inuu mariyo masiirka dalka iyo dadka.

Mudane C/Qaadir Jaamac Barre ayaa labo maalmood ka hor ku qabtay shir jaraaid Nairobi ayadoo in badan oo ka tirsan warbaahinta Soomaalida ee Nairobi ku sugan ay ka qeyb qaadatay shirkaa jaraaid markaa oo uu shaaciyay murashaxnimadiisa doorashada la filaayo bisha xigta.

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay sida uu damacsan yahay hadii la doorto inuu dalka iyo dadkaba barwaaqo iyo baraare uu jeclaan lahaa  inuu u gaarsiiyo.

'Waxaan ka danqaday xanuunka lixaadka leh ee gaaray karaamada, sharafta iyo jiritaanka ummada Soomaaliyeed xilliga burburka oo caddaalad darro iyo maamul xumo haraysay'. Ayuu yiri.

'Soomaaliya waxay u baahan tahay hoggaamiye caadil ah lehna afkaar waddaniyadeed iyo kalsooni shacbi, waana arrintan xilligan igu dhalisay inaan isu soo taago tartanka xilka madaxweynaha Soomaaliya 2016', intaana wuu raaciyay.

Wuxuu si talantaali ah usoo bandhigay tallaabooyin taabanaya nolosha aasaasiga ah ee bulshada iyo rajo soo celinta iyo weliba kalsoonida shacabka.

Wuxuu tibaaxay in ummada uu ku hoggaamin doono qorshe cad oo ku dhisan sinnaan iyo caddaalad ay gun dhig iyo marjac u yihiin diinta iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

Kadib markii uu shaaca si rasmi ah uga qaaday murashaxnimadiisa, wuxuu sheegay in uu dhowri doono daris wanaagga iyo wax wada qabsiga heer goboleed iyo heer caalami [Globalization] intaba.

Hadii aan isku soo xoorino wuxuu sheegay in uu wax ka qaban doono shaqo la'aanta, musuqa, waxbarashada haatan liidata, tahriibka, khilaafka bulshada iyo burcad-badeednimada iyo dhammaan wixii ummada dhib ku ah.

Wuxuu xusay in hogaamintiisu ay ku dhisnaan doonto wada tashi, wax isku quurid, is aaminaad iyo  sinnaan loo dhan yahay, islamarkaana uu  mudnaanta koowaad siin doono sidii dhallinyarada  dhexdeeda loogu kordhin lahaa xirfadaha aqoonta iyo daraasaadka cilmi-baariseed ee la tallaabo qaadaya soo saarista khayraadka hodanka ah ee Eebbe dalkeenna ku manaystay oo sida uu xusay aan ilaa imminka si dhab ah loo manaafacaadsan.

Wuxuu sheegay inuu xoogga saarayo tayeynta iyo sare u qaadida awoodda ciidanka, anshaxa iyo farsamadooda, islamarkaana uu soo dhaweynayo iskaashiga waddamada deriska ah iyo kuwa goboleed ee dhinacyada ganacsiga xorta ah, sancada iyo  is dhaafsiga teknolojiyada.

Ugu dambayntii mudane Cabdulqaadir wuxuu baaq nabadeed u soo jeediyey dhammaan ummada Soomaaliyed, isagoo ku booriyey inay joojiyaan colaadda iyo dagaallada kala qaybinaya dadka walalaaha ah, ayna  ku bedelaan is jacayl, kalsooni iyo  dib u dhiska dalka hooyo ee ay  dagaallada sokeeye burburiyeen, isagoo ku adkeeyey in qof kasta uu kaalinta kaga aaddan ka qaato dib u soo kabashada iyo kobcinta heer-nololeedka dadweynaha Soomaaliyed ee colaadda ka soo daalay.

Mudane Cabdulqaadir ayaa ah aqoonyahan wayo arag ah balse aan imminka ka hor isu soo sharixin xilkaas.  

Aaden Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]