4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Diyaaradaha Droneska oo dusha kala socda xujeyda buurta Carrafo taagan

 

Isniin, Sitember 12, 2016 (HOL)-Dawlada Sacuudiga ayaa kicisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay dusha ugala socdaan xujeyda maanta taagan buurta Carrafo.

Ku dhawaad 2 malyan oo xujey ah ayaa maanta taagan buurta Carrafo arintaa drones-ka kusaabsan ayaana looga gol leeyahay in la baajiyo isbuurashadii dhacday sanadkii hore oo kale. Waa arin nidaaminta xujeyda la xiriirta.


Sanadkii hore ayaa isbuurasho iyo shilal kale waxaa ku dhintay xujey gaareysay 8 boqol oo qof sida dawlada Sacuudigu sheegtay.

Dawlada Sacuudiga ayaa sife wanaagsan ku hesha dhowrida labada xaramayn ee shariifka ah ee xaramka Makka iyo masjidka Nabiga (s.c.w).

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa dawlada Sacuudigu sheegtay in isbuurashadu dhacday kadib markii xujey badan ay ka baaqsadeen inay raacaan ama u hoggaansamaan sharuucdii lagu kala xadeynayay dadka.

Hayadaha dawliga ah ayaa iminka sidoo kale u adeegsanaya drones-ka inay ku xoojiyaan kormeerka elektaroonigga ah iyo inay geyfnaan galiyaan ciidamada ammaanka hadii loo baahdo hadii wax dhib ah uu dhaco.

Xujeyda ayaa ku yimid Carrafo basas, gawaari yaryar iyo tareeno.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]