4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
DAAWO: Ururka KA-JOOG oo ku Guulaysatay Abaal-marinta CITY OF PEACE AWARDS (SAWIRRO)
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Ururka dhalinyarada KA-JOOG oo ah mid ka dhisan Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa galabnimadii shalay ku guulaystay abaalmarin nabadeed  ( City of Peace Award) tasoo labaxiyo sanadkiiba mar Gobolka Minnesota  lana siiyo hay’adaha ka qaybqaatay nabada.

Abaalmarinta ayaa loo baxshaa iyadoo la qiimayo ururada lasoo bandhigo ka qayb-galkooda nabada ayaa waxaa ka qaybgala ilaa 1000 hay’adood waxaana sanadkaan 2016 kaalinta hore ka gashay ururka KAJOOG ,

Sidoo kale, Waxaa Abaal-marinta guddoonsiiyay Duqa Magaalada Columbia Heigts ee gobolka Minnesota Gary Peterson isagoo sheegay inuu aad ku faraxsan yahay abaalamrintan ay heleen ururka Dhalinyarda ee KAJOOG . Maxamed Farah Madaxa ururkaan oo u waramyey HOL ayaa sheegay in ay guul u tahay inay helaan abaalmarintaan Nabadeed ee City of Peace Award - waxaana ujeeddooyinkii loo aasaasay KAJOOG sanadkii 2007 ayuu yiri Maxamed waxuuna sheegay in tani ay u tahay isaga iyo saaxiibadii dheeragalin ah inay shaqadii aan ummudda Minnesota u haynay aan sii labo jibaarno buu yiri.

Dhanka kale, Maxamed waxaan waydiinay waxqabadka ururkoodan iyo waxa ay ku hanteen abaalmarintaan waxuuna sheegay in dhalinyarada ay ka wacyi galiyaan inay danbiyo ku dhacaan inay ku biiraan kooxaha Argagaxisada ah inay iskuulada ku dadaalaan , waxaan kala shaqaynaa  dhalinyaro badan barnaamijyo ay ku hore marinayaan noloshooda , walibana da’yarta Soomaalida waxaan ka caawinaa Waxbarashada barnaamijyada loo yaqaan After Schoolka, lama koobi karo waxqabadkeena waxaadse ka garan kartaa magaca KAJOOG oo ku tusaya in aan dhalinyarada lee nahay wax walba oo qaldan ka jooga am aka hara, waxaana oron karaa waxwayn baan qabanay markaan xasuusto intaan dhalinyaro wax san u sheegnay nagana qaateen.

Xafladaan laga gudoonsiiyay KAJOOG abaalmarintaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadwayne badan oo dagan gobolka Minnesota  kuwaas oo farxada la qaybsaday KAJOOG iyo hay’adahii kale ee iyaguna shalay helay Abaalmarinta.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]  
MPLS, Minnesota, Mareykanka