4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Musharraxa Madaxweyne ee Wadanka Mareykanka HILLARY CLINTON oo ka dhacday Is-taagga
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Musharraxa madaxweyne ee Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa waxa ku dhacay burakiito, ama oofwareen. War qoraal ah oo la soo saaray kadib markii Clinton ay dhacday xilli ay munaasabad shacab ka qeybgaleysay ayaa arrintaasi lagu xusay.

Sawirro lagu baahiyay internetka waxa ay muujinayaan iyadoo caawiyaheeda uu kortaagan yahay.

Jilbaheeda suun ama xarig ayaa lagu xiray, waxaana lagu caawiyay gaarigeeda dhexdiisa.

Mrs Clinton ayaa markii dambe lagu arkay guriga gabadheeda, waxayna weriyayaasha u sheegtay inay "wanaagsan tahay".

Dhaqtarkeeda, Lisa Bardack waxa ay sheegtay in Hillary Clinton ay xanuunkaasi qaaday Jimcihii.

Waxay gabadha dhaqtarka u ah ay sheegtay in Clinton ay aad u kululaatay, jirkeedana uu biyaha ka dhammaaday intii ay ka qeybgaleysay munaasabad lagu xusayay 15ka sano ee laga joogo weerarkii daarihii Mareykanka lagu qaaday.

H. Clinton ayaa xilli hore meesha munaasabadda ka baxday kaddib markii ay xanuunsatay. Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump waxa uu kol hore soo bandhigay xaaladda caafimaadkeeda oo uu sheegay inuu liito.

Ugu dambeyn, Clark Judge, Waa waxa uu Khudbadaha u qori jiray Ronald Reagan, waxa uu sheegayaa "inay suuragal tahay in Clinton ay ka qeybgali wayso kullamo muhiim u ah, bilaha soo socda".

XIGASHO: BBC SOMALI

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya