4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 12, 2016
Mucaaradka Liibiya oo sheegay inay dagaal ku qabsadeen Dekedo laga Dhoofiyo Shidaalka Dalkaas
Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Xoogaga Mucaaradka ee diidan dowladda dalkaa ee ay Taageereyso Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Tripoli ee xarunta waddanka Libya waxay sheegayaan in ay qabsadeen laba dekeddood oo shidaalka laga qaado oo Bariga dalkaas ku yaalla.

Afhayeen u hadlay Sarkaalka fallaagoobay, Khaliifa Xaf-tar ayaa u sheegay Warbaahinta inay xooggagiisa Hadda Maamulayaan labada deked ee shidaalka laga dhoofiyo ee kala ah Es-Sidra iyo Ras-Lanuf.

Guddiga Saliidda Qaran ee Magaalada Tripoli ayaa taageeray sheegashadan, iyagoo hoosta ka xariiqay in la qabsaday labadaasi xarumood ee shidaalka caanka ku ah.

Dhinaca kalena, Malleeshiyo kale oo kasoo horjeeda kooxdan oo isku magacawday ilaalada agabka Saliidda oo taliyahoodu dhawaantan uu la midoobay maamulka QM ay taageereyso ee dalka Liibiya ayaa sheegay inuu weli dagaalku socdo.

Ugu dambeyn, Dalka Liibiya ayaa wuxuu ku jiray qalaase siyaasadeed iyo colaado is-daba-joog ah, kaddib markii xukunka laga tuuray dhawr sano ka hor Mucammar Al-Qadaafi oo ahaa hoggaamiyihii dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya