4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Hay'adda Nabad-sugidda Somalia oo soo saartay Amarro lagu xoojinayo Ammaanka Muqdisho
/images/gallery/201482635425485180006097Magaalada_Muqdisho.jpgAxad, September 11, 2016 (HOL) — Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia, ayaa soo saartay maanta amarro lagu xoojinayo Amaanka Magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ku sheegtay inaan lagu arki karin laga billaabo Maanta oo Axad ah - Askari hubeysan oo aan ka mid ahayn Laamaha ammaanka caasimadda loo xil-saaray.

Amarrada ayaa waxaa ka mid ah in Dhammaan Ciidamada gaarka ah ee shirkadaha Amniga Qaabilsan aysan wax dhaqdhaqaaqyo ah - ku dhex-sameyn karin magaalada, tan iyo inta uu ka dhammaanayo shirka IGAD oo la filayo inuu Muqdisho ka dhaco Talaalada oo ah 13-ka bishan September.

Sidoo kale, Qoraalkaan ayaa lagu xusay in cidii ku xad-gudubta Amarkan oo la qabto laga Qaadi doono Tallaabo Waafaqsan Sharciga, inkastoo aan la sheegin nooca Tallaabada laga qaadayo.

Haddaba, Akhriso Qoraalka Nabad-sugidda DFS ee ku Aaddan Amniga Muqdsho;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya