SAWIRO: Xaflad murashaxnimada RW Cumar lagu taageeray oo lagu Qabtay Sweden (SAWIRRO)
Axad, September 11, 2016 (HOL) —
Dalka Sweden magaalo madaxdiisa Stockholm hoolka shirarka iyo xafladaha ee
Jubba Restaurant, waxaa habeenkii ay taariikhdu ahayd 9-9-2016 lagu qabtay
xaflad lagu taageerayay musharraxa Madaxweyne Mudane Cumar Cabdirashiid Cali
Sharmaarke oo dhowr ayaamood ka hor ku dhawaaqay inuu u taagaan yahay tartanka
doorashada madaxweynenimo ee Sanadkan 2016 oo ay ka dhici doono caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Xafladdu oo ahayad mid
taageero iyo duco ah waxaa ka soo qayb galay culimo, cuqaal, waxgarad,
siyaasiyiin, macalimiin, saraakiishii hore, xildhibaano hore iyo kuwo cusub ee
dalka sweden, dhallinyaro, arday, hooyooyin, af-maal (suugaan yahanno),
fannaaniin, mas’uuliyiin hore, iyo mas’uuliyiin hadda ka shaqeeya degmada
Spånga- Tensta (Stockholm) iyo bulshada qaybaheeda kale.Kulankaan, ayaa ahaa mid ku
bilowday jawi xiiso badan, Waxaana lagu bilaabay Qur’aanka kariimka ah iyo duco.
Waxgaradkii hadlay ayaa waxay dhammaantood ka mahad celiyeen
abaabulkii maamuuska xafladda, waxayna xuseen in Mudane Cumar Cabdirashiid
leeyahay khibrad siyaasadeed, mid aqooneed iyo mid maamulba, lagana filayo
haddii la doorto isbeddel Soomaali oo dhan ay kaga baxdo dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya heysata. Waxaan
shakhsiyaadkii hadlay oo dhan ay Alle uga baryeen Mudane Cumar
Cabdirashiid in uu ku guuleeyo masiirka talada dalka, isagana uu xasilooni,
horumar, barwaaqo, kala danbayn iyo sharafkii dalka Soomaaliya ku lahayd
caalamka uu soo celiyo.
Waxaa xafladda ka muuqday
muuq soomaaliyeed oo ay dadkii ka soo qayb galay ka dhadhansanayeen midnimo
Soomaaliyeed iyo wadjir niyad samid ku jirto, waxaana goobta taageerada ka
lulanayay calankii dunida ugu quruxda badanaa uguna macanaha iyo tafsiirka
fiicnaa. Dhanka kalena, waxaa dhegaha dadka ku soo dhacayay codad wadaninimo iyo murti, halhays
dhiirigelin iyo waddan iyo dad jaceyl xanbaarsanaa.
Waxay xafladdani ahayd tii
ugu horraysay ee ay qabtaan jaaliyadda soomaaliyeed ee Sweden, isla markaana ay ku taageereen
Musharraxnimada Mudane Cumar Cabdirashiid.
Ugu dambeyntii munaasabada waxaa qadka telefoonka kaga qeybgalay Musharrax Cumar oo rintii u mahad celiyay
dhammaan dadkii telefoonka ku maqlayay, wuxuuna ugu bishaareeyay in uu Safiir
Soomaaliyeed u soo magacaabi doono, si danaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo
Safiir Soomaaliyeed loo helo.
Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ah ra'iisal wasaaraha kaliya ee Soomaaliya soo maray oo labo dowladood, weliba xilliyo kala duwan ka noqday Ra'iisal Wasaare. Wuxuu markii ugu horreysay Ra'iisal Wasaare ka noqday Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, isagoo dowladdan hadda jirtana ra'iisal Wasaare ka ah.
Salaad Xiis, Hiiraan Online
[email protected]