4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 11, 2016
Xisbiyada Somaliland oo ku kala Aragti Duwanaaday Go’aankii Madaxweynaha ee Doorashooyinka
Axad, September 11, 2016 (HOL) — Xisbiyada mucaaradka, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii madaxweynaha ka soo baxay ee lagu kala qaaday labaddii doorasho ee is barkanayd.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si taxadar ku jiro usoo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha, isla markaana shuruud ku xidhay muddo kordhin loo sameeyey golaha Wakiiladda, waxaanu soojeediyey in gudoomiyaha golaha Wakiiladda meesha ka baxa oo uu u hadho xisbigiisa WADANI.

Sidoo kale, xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa ka soo horjeestay muddo kordhinta loo sameeyey golaha Wakiilada iyo kala qaadista doorashooyinka qorshuhu ahaa inay mar wada dhacaan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Maxamed Cabdullaahi Uur-cadde, ayaa sheegay in xukuumadda kulmiye aanay doonayn inay doorasho qabato, isla markaana sharci daro tahay in ka kala saaro labadda doorasho ee lagu heshiiyey inay mar wada dhacaan.

Ugu horeyn xoghayaha guud ee xisbiga WADANI Uurcade oo ka falcelinaya go’aankii madaxweynuhu soo jeediyey ee uu ku kala qaaday doorashadda, waxa uu yidhi  “Midi waa nasiib daro qarankan waxa muuqata in xukuumada KUlmiye aanay doonayn inay dalka doorashooyin ka dhacaan, in ay doorasho qabata aanay diyaar u ahayn, maalin walba mushkilad aan jirin ay abuurayso, haddii aanu nahay xisbiyada qaranka waxaan u gudbinay tabasho laga qabay saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, madaxweynaha waxaanu ku nidhi waxaanu taageerayno wax alaale waxa tabashadaasi saami qaybsiga kuraasta aad go’aanka gaadho, meel uu isagu rabay oo ahaa in ay mudadda korodhsadaan oo ahaa in golaha Wakiiladda mudadda loo kordhiyo ayey mareen, Somaliland waxay ku iibsamaysa waa doorashooyin”.

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADANI, waxa uu intaas ku daray “Rayaale intii uu joogay  wuxu qabtay laba doorasho oo madaxtooyo, doorashada golaha Wakiiladda, golihii deegaanka, afarta doorasho ayuuu is raaciyey mudadii uu joogay, sharciiga uu goluhu ku fadhiyo waxa sameeyey Rayaale, haddii aad tidhaahdid tii horana raaci maayo mid cusubna samayn maayo, marka xal maaha muddo la kordhiyaa, sharciga haddii la raacayo in la sameeyo in tiro koob lagu sameeyo, waxaan qabnaa in golaha guurtidda oo kale laga dhigay golihii wakiiladda, marka waxaanu u aragnaa in aanay xukuumadda kulmiye doorasho rabin, madaxweynuhu yaanu guddi ku marmarsoon ee go’aan ha ka gaadho saami qaybsiga oo uu sida uu arko wada jirka iyo danta Somaliland ku dhameeyo”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ka duwanaa ka soo horjeesta xisbiga WADANI, waxaanu si taxadar ku jiro u taageeray go’aanka madaxweynaha, waxaanu yidhi  “arrinta madaxweynaha laga doonayey may ahayn muddo kordhin ee waxay ahayd saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, madaxweynuhu haddii uu xalin kari waayey anagoo ku taageersanay wax kasta uu go’aamiyaa inaanu ku taageerayno, mar haddii ay la noqotay inuu kala saaro waa arrinkii aanu ku heshiinay inuu wax kasta oo uu go’aamiyo ku raacnaa, anagu waanu taageersanay go’aankaasi,laakiin shuruudo ayaanu ku xidhaynaa, shuruuduhu waxa weeyi in qorshe la sameeyaa oo dib loo qiimeeyaa golaha Wakiiladdu wuxuu qaban lahaa mudaddaasi la kordhiyey, marka ha noqdo golahaasi mid nidaam ku shaqaynaya, qodobka labaad arrinkan saami qaybsiga kuraasta waa in xalkeedii la keenaa, marka anagu si taxadar leh baanu u soo dhoweynayaa, marka waa in madaxweynuhu na tusaa in wakhtiga la kordhiyey wakhti macquul ah tahay, waa in dib loo qiimeeyaa oo caalamka ma jirto gudoomiye mucaarad meel uu gudoomiye golaha Wakiiladda ka yahay ma jirto, waa in gudoomiyaha, ahna musharaxa xisbiga Wadani meesha ka baxo, marka haddii uu dastuurka la jabiyey ku sii jiro wax la aqbali karo maaha, qodobkan saami qaybsiga waa in laga sameeya qorshe ah goorta la xalinayo ilayn waligii ina hor taagnaan maayee, waa in xal loo helaa, ta kale beesha caalamku arrintan way diidaysa waxa laga yaabaa in aanay dhaqaalaha bixin ee waa in marka loo diyaar garoobaa”

Dhanka kale, labadda xisbi ee mucaaradka ah ayaa ku kala aragti duwanaanaday go’aanka madaxweynuhu soo saaray, halka xisbiga taladda haya ee kulmiye uu isagu taageeray go’aanka madaxweynaha ka soo baxay.

Hase yeeshee, beesha caalamka ee dhaqaalaha ku bixiya doorashooyinka Somaliland ayaa madaxweynaha iyo xukuumadda ku cadaadisay in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo, isla markaana sidii lagu heshiiyey in labadda doorasho wada dhacdaan, iyagoo madaxweynaha kula taliyey in caqabadaha hor yaala sababta aanay doorashaddu mar wada dhaceen la xaliyo ka dib wakhtigii lagu heshiiyey mar wada dhacaan, balse arrintaasi waxa wax ka bedelay go’aaanka madaxweynuhu ku kala saaray.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland